Dagaal la
isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ka socda
Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, June
12,
2008 Ceegaag Online)
Dagaalka ayaa
la sheegay in uu dhashay kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa
Dowladda oo ay kaabayaan ciidamo Ethiopain ah ay xireen
wadada isku xirta garoonka Muqdisho illaa isgoyska KM4
halkaas oo subaxnimadii hore ee saaka ay isku gadaameen.
Kooxaha
hubeysan ee ka horjeeda ayaa la sheegay in ay weerar
qosheysan ku qaadeen, iyadoo uu halkaas ka qarxay dagaal
fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala
duwan.
Lama oga
khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ahaa mid ku faafay
deegaano kale, waxaana la sheegay in ciidamada Dowladda ay
hub aad u culus adeegsanayeen.
Dhinaca kale
dagaal khasaase dhaliyey ayaa galinkii dambe ee shalay waxa
uu ka dhacay qeybo kamid ah degmooyinka Yaaqshid iyo Hurwaa,
iyadoo inta la xaqiijiyey dagaalkaas ay ku dhinteen seddax
qof halka ay ku dhaawacmeen 7 qof kuwaas oo deegaanadii ay
deganaayeen ay ku habsadeen madaafiic.
Dagaalka
shalay ka dhacay deegaanadaas ayaa ka dambeeyey markii
xoogagga hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisimaha ay
ciidamada Ethiopia ku leeyihiin deegaanadaas, waxaana
madaafiic ay ku jawaabeen ciidamada Ethiopia ay waxyeelo
gaarsiisay dad rayid ah.
Si kastaba ha
ahaatee dagaalada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa
imaanaya xilli magaalada Jabuuti ay heshiis ku kala
saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo isbeheysiga
dib u xoreynta Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |