Dalalka
Spain iyo France ayaa iska kaashanaya la dagaalanka kooxaha
burcad badeedda Soomaalida ah ee afduubka u geysta
maraakiibta.
(Madrid, June 29,
2008 Ceegaag Online)
Kadib kulan
ka dhacay dalka Spain ayey labada waddan kaga dhawaaqeen
qorshe ay isaga kaashanayaan la dagaalanka kooxaha burcad
badeedda ah ee qatarka ku haya maraakiibta iyo doonyaha
shisheeye, waxaana labada dal ay soo saareen bayaan ay isaga
kaashanayaan la dagaalanka burcad badeedda Soomaalida ah.
Maraakiib
dagaal oo ay dowladda Spain leedahay ayaa lagu soo biirin
doonaa markab dagaal oo dowladda
France
ka jooga biyaha Soomaaliya sida lagu sheegay bayaanka ay soo
saareen labada dal ee Spain iyo France.
Labada dal ee
iminka iska kaashanaya qorshaha la dagaalanka burcad
badeedda Soomaalida ah ayaa waxaa horey xeebaha Soomaaliya
looga afduubtay maraakiib laga leeyahay dalalkooda inkasta
oo dowladda France ay si xoog ku soo furatay markabkii laga
adfuubtay.
Golaha
amaanka ayaa horey isugu raacay in xeebaha Soomaaliya loo
diro maraakiib shisheeye oo ka hortagta qatarta sii
xoogeysaneysa ee kooxaha burcad badeedda ah ay ku hayaan
xeebaha Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |