Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya oo maalintii labaad dul
heehaabaya Deegaanka Dhoobleey.
(Dhoobley, June
04,
2008 Ceegaag Online)
Diyaaradaha dagaalka
dalka
Kenya
oo joog hoose ku duulaya ayaa maalintii labaad dul
heehaabaya deegaanka Dhoobley oo ku yaala xadka ay wadaagaan
dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Wararka laga helayo
deegaanka Dhoobley ayaa sheegaya in ciidamada cirka dalka
Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay
maalintii labaad howlgallo ka wadaan deegaanka Dhoobley iyo
deegaanada ku dhow dhow halkaas oo ay ka baadi goobayaan
sida la sheegay mid kamid ah gawaari ay lahaayeen
ciidamadooda jooga xadka oo ay kooxo Soomaali ah ka qaateen
maalmo ka hor.
Saraakiil ka tirsan
ciidamada Kenya ayaa ku hanjabay in ay talaabo milatari ka
qaadi doonaan deegaanka Dhoobley dadka ku dhaqan haddii
aaney si deg deg ah dib ugu soo celin gaari dhawaan laga
qaatay.
Diyaaradaha dul
heehaabaya deegaanka Dhoobley maalintii labaad oo ah kuwo
joog hoose ku duulaya ayaa si dhab ah loo ogeyn cidda ay
baadi goobayaan, hase ahaatee ilo lagu kalsoon yahay ayaa
sheegay in howlgalkaan uu salka ku hayo gaarigii dhawaan
laga qaatay ciidamada xadka Kenya.
Guddoomiyaha deegaanka
Dhoobley Cali dheere ayaa shaaciyey in kulan uu la qaatay
mas'uuliyiin ka tirsan Kenya ay uga dalbadeen in uu si deg
deg ah ugu keeno gaarigii laga qaatay, hase ahaatee uu u
balan qaaday in uu gaarigaas keenayo.
Kooxo hubeysan oo
Soomaali ah ayaa maalmo ka hor weerar waxa ay ku qaadeen
ciidamada ilaalada u ah xadka uu dalka Kenya kala wadaago
dhinaca Soomaaliya kuwaas oo dilay 4 amid ah ciidamada
ilaalada xadka Kenaya islamarkaana qaatay gaari ay lahaayeen
ciidanka Kenya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |