Diyaarado
joog hoose ku duulaya ayaa xalay lagu arkay hawada sare ee
magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
(Baardheere, June
19,
2008 Ceegaag Online)
Diyaarado
joog hoose ku duulaya ayaa xalay lagu arkay hawada sare ee
magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. xilli gobolada
Jubbooyinka ay ka jiraan cabsi la xiriirta deuqeyn ay
diyaarado joog hoose ku duulaya ka geystaan deegaanadaas.
Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa tibaaxaya in diyaarado
jooghoose ku socda ay xalay oo dhan dulheehaabayeen
magaalada Baardheere, iyadoo dadka ku dhaqan magaaladaas ay
soo wajahday cabsi xooggan.
Deegaano kale oo ka tursan gobolka Gedo ayaa lagu arkay
diyaarado kale oo iyagana joog hoose ku socda kuwaas oo aan
la aqoon halka laga leeyahay iyo ujeedadooda.
Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay inaaney ogeyn sababaha ka
dambeysa diyaarahaan joogga hoose ku duulaya ee xalay lagu
arkay magaalooyin ay ku jirto Baardheere.
Seddaxdii cishe ee ina dhaaftay ayaa sidaan oo kale
diyaarado jooghoose ku socsda waxaa lagu arkay qeybo kamid
ah gobolada Jubbooyinka, iyadoo aan weli la soo sheegin
waxyeelo ay geysteen diyaaradahaas.
Horey ayey diyaarado ay leedahay dowladda mareykanka duqeymo
dhinaca hawada waxa ay ka geysteen gobolada Jubbooyinka iyo
gobolka Galgaduud halkaas oo dad iyo xoolo ay ku
geeriyoodeen.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |