Dowladda
KMG ayaa heshiis la gashay shirkad Faransiis ah, iyadoo
shirkadan ay kooxaha burcad badeedda ah ka ilaalineyso
xeebaha Somalia.
(Muqdisho, June
15,
2008 Ceegaag Online)
Shirkadan oo
la yiraahdo Secopex ayaa la sheegay in sidoo kale ay
ilaalineyso Amaanka Madaxda sar sare ee Dowladda Federaalka
Soomaaliya iyadoo ilaalo gaar ah oo ka socda shirkadan ay
adkeynayaan amaanka mas’uuliyiinta sar sare ee Dowladda KMG
Guddoomiyaha
shirkadan oo la yiraahdp Pierre Marziali ayaa sheegay in
kadib xaaladda qatarta ah ee ku sii kordheysa xeebaha
Soomaaliya ay shirkadooda ku qasabtay in ay heshiis la
saxiixdaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuu intaas
raaciyey in ay si weyn u adkeynayaan amaanka xeebaha
Soomaaliya oo ay ku baaheen kooxo burcad badeed ah oo
dhibaateeya maraakiibta ganacsiga iyo doonyaha.
Heshiiska
ayaa ku kacaya lacag u dhexeysa 50 million ilaa 100 million
oo Euro ah una dhiganta 75-150 million oo dollarka
mareeykanka ah seddaxda sano ee soo aaddan.
Lama oga waxa
ay shirkadaan ka badali doonto qatarta ay kooxaha burcad
badeedda ah ay ku hayaan xeebaha Soomaaliya, iyadoo ay
xeebaha Soomaaliyana ku sugan yihiin maraakiib shisheeye.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |