shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Mareykanka oo ka hadashay Gaboodfal-yada ay Ciidamada Ethiopia ka sameynayaan Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

(Washington, June 14,  2008 Ceegaag Online)

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in ay si dhab ah u darsayso warbixin dheer oo Hay'adaa HRW soo saaratay todobaadkan. Sida uu sheegay afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Maraykanku, dawlada Maraykanku kama aamusin xadgudubyada ka dhacaya gobolka Ogadenia. Waxaa uu afhayeenku yidhi " si joogto ah ayaan ugu gudbinay dareenka Dowladda Maraykanka Xukuumada Addis Ababa, Safiirkayaga iyo masuuliyinta sare ee booqday Itoobiya ayaa arrimaha xuquqda aadanaha oo ay ku jirto ka dhacday Gobolka Ogadenia kala hadlay dawlada Itoobiya"

Hay'ada HRW ayaa sheegtay in shaqaalaha ururka USAID iyo ciidamada Maraykankuba ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Ismaamulka Soomaalida islamarkaana la socdaan gaboodfalka ay sameeyaan ciidamada Itoobiya.

Itoobiya ayaa la leh Maraykanka xidhiidh wacan iyo iskaashi si ay wadajir ugaga hortagaan aragagixisada caalamiga ah, Waxaa ay Waaxda arrimaha dibada ee Maraykanku sheegtay in ONLF iyo ciidamada Itoobiyaba lagu eedeeyey xadgudubyada ka dhacay deegaanka Soomaalida islamarkaana ay adag tahay in la sheego midkooda ka dambeeya tacadiyada.

Warbixin dheerr oo ka kooban 130 Page ayey dhawaan hay'dda u dooda xuquqda aadanaha ee HRW ay ku soo bandhigtay dalka Kenya. Waxa ay warbixintu sheegtay in ciidamada Itoobiya ay fuliyeen falal kala ah: dil, kufsi, barabixin qasab ah, jidh-dil iyo tuulooyin dad la qabad siiyey. Waxa ay HRW sheegtay in ay waraysatay dad badan oo jooga Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya. Waxa ay intaa ku dartay, in ay hayaan sawiro lagu qaaday dayax-gacmeed oo marag u noqon kara warbixintooda sida darteedna Itoobiya aanay beenin karin. 

Dhanka kale, waxa ay hay'adu ku eedesay ururka ONLF in uu qayb ka tahay gaboodfalyada loo gaystay dadka shacabka ah. Waxa ay HRW tidhi"jabahda ONLF waxa ay dishaa dadka lagu tuhmo in ay xidhiidh la leeyihhin Itoobiya isla markaana waxay miinooyin galiyaan wadooiynka iyaga oon u kala aaba yeelin si ay bartilmaameed uga dhigtaan gaadiidka dawlada oo u socda si kolonyo ah"

Ururka ONLF ayaa si xoog leh u beeniyey in ay bartilmaameed ka dhigtaan shacabka. Madaxa hogaanka dibada ee ONLF, C/raxman Mahdi, ayaa ku sheegay waraysi ay la yeelatay Idaacada VOA in uuna ururkiisu dadka dillin.

Dawlada Itoobiya ayaa iyaduna dhankeeda ka beenisay warbixinta hay'adda HRW. Warbixin ay soo saartay Wasaarada Warfaafinta xukuumada Addis Ababa ayaa lagu sheegay in ay warbixintu tahay been abuur aan raad lahayn oo ay wataan dad dano gaar ah leh.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com