shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Russia ayaa sheegtay in ay hal Million oo Dollar ugu deeqeyso Shacabka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan Gudaha Somalia.

(Moscow, June 11,  2008 Ceegaag Online)

Dowladda Ruushka ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in ay qeyb ka qaadaneyso caawinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka Soomaaliya sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka.

Dowladda Ruushka waxa ay sheegtay in deeq lacageed oo dhan hal milyan oo doollar ay ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan si gurmad loola gaaro shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka isbiirsaday ay ku heystaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasaaradda arriamaha dibadda Ruushku waxa ay sheegtay in sidoo kale markab sida deeq bur ah uu dhawaan ku soo xiran doono dekadda Jabuuti si markaa dabadeed loogu daabulo dalka Soomaaliya looguna caawino shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu sheegay in dowladda Ruushka ay diyaar u tahay in ay hay'adda gargaarka gacan ka siiso caawinta shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay deeq gaarsiiyo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee malaayiin dad ah ayaa ku tabaaleysan gudaha Soomaaliya kuwaas oo saameyn xooggan ay ku yeelatay abaaraha iyo colaadaha ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com