Dowladda Somalia ayaa ka codsatay Xukuumada Moscow in ay
qeyb ka qaataan Soosaarista Macdanta iyo Shiidaalka.
(Moscow, June
28,
2008 Ceegaag Online)
Dowladda
Somalia
ayaa ka codsatay dowaldda Russia inay dalka Soomaaliya
ka baarto macdanta Yunaaniyamka iyo sidii ceelal shidaal
looga qodi lahaa gudaha Soomaaliya.
Codsiga
ayaa waxaa dowladda Ruushka u gudbiyey Safiirka dowladda
Soomaaliya u fadhiya magaalada
Moscow
ee xarunta dalka
Russia oo
isagu shir jaraa'id ku qabtay halkaas.
Ambassador Maxamed Xandulle ayaa sheegay in dowladda
Soomaaliya ay rajo fiican ka qabto sidii ay dowladda
Ruusha heshiis arrintaan ku saabsan ula gali laheyd,
wuxuuna intaa ku daray in ay ka codsanayaan Ruusha inay
maal geliso Soomaaliya.
"Waxaanu
wadnaa dadaalo arrintaan la xiriira, iminka waxaa socda
wada hadallo u dhexeeya shirkad laga leeyahay dalka
Ruushka iyo dowladda KMG ah" ayuu yiri Mr. Maxamed
Xandulle safiirka Ruushka u jooga dowladda KMG ah.
Wuxuu
intaas raaciyey in dhawaan ay rajeynayaan in dalka
Soomaaliya laga bilaabo arrimaha shidaal baarista,
isagoo intaa ku daray in heshiisyo badan oo ay dowladda
KMG ah la gashay shirkado caalami ah ay iminka wax
qabadkooda soo naasacadaan doonaan.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |