shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladdaha Yemen iyo Mareykanka oo kawada hadley xaalada dalka Soomaaliya‏.

(Sanna'a, June 29,  2008 Ceegaag Online)

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Wadanka Yemen Abuubakar Alqirbi ayaa maanta kulan kula qaatey magaalada Sanca Ambassodor-ka  dowladda mareykanka u fadhiya Yemen Steven Sash.
 
Kulan-kaan ey labada mas’uul yeesheen ayaa waxa ay uga hadleen arrimaha geeska Africa ka tagaan  gaar ahaan  xaaladda  Somalia ey iminka mareyso, Dr.Abuubakar Alqirbi ayaa ugu horeyn kala hadlay  safiirka mareykanka xaaladda Somalia iyo aragtida Yemen ee ku aadan dadaalka  ay Qaramada Midoobe iyo beesha caalamka ay wadaan.
 
Amabassodor Steven Sash ayaa dhankiisa sheegay in dowladda mareykanka ay doonayso in xaalada geeska Africa guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaaliya lagu xaliyo hab nabadeed iyadoo lala kaashanayo beesha caalamka.
 
Dowladdaha Mareykanka iyo Yemen oo xiriir dhow ka dhexeeya ayaa Wadahadalada labada mas’uul aysan ka marneen waxa loogu yeero la dagaalanka argagaxisada , taas oo dowladda Yemen si weyn ugala shaqeyso dowladda Mareykanka.

Kal-fadhiga labada mas’uul ayaa ku soo beegmaya maalin kadib xilli ey Warbixin ka soo baxday safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi oo lagu sheegay in mar kale Xukuumada Mareykanka ay ugu hambalyeynayso dhinacyada ku gaaray heshiiskii Wadanka Jabuuti 9-kii bishan June ee u dhaxmaray Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya iyo Isbahaysiga Asmara islamarkaana dowladda maraykanka waxa ay ku taageertay lacag gaaraysa 6 Milion oo Dollar...
 

W/D Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com