Euro 2008
oo ka Furmay Dalalka Switzerland iyo Austria.
(Basel, June 08,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa si
habsami leh uga bilowday tartankii sida aadka ah loo wada
sugayay ee qaramada Yurub, oo sanadkan lagu qabanayo labada
waddan ee Switzerland iyo dalka ay deriska yihiin ee
Austria.
Xafladdii
furitaanka kadib waxaa lagu furay ciyaartii 1aad dalka
Switzerland iyo Czech Republic oo ku wada jira qeybta A,
iyada oo labadan Wadan ay soo ban dhigeen Ciyaar wanaag.
Switzerland oo lagu ciyaarayay dalkeeda ayaa ciyaarta inta
badan ku gacan sareysay, iyaga oo iska qasaariyay dhowr
fursadood oo dahabi ahaa, qeybtii 1aad oo ku dhamaatay
goolal la,aan waxaa uga siidarnaa markii uu kabtanka iyo
gool dhaliyaha Switzerland uu ku dhaawacmey ciyaarta, waxa
ayna niyad jab ku riday inta badan ciyaartoyda, maamulka iyo
taageerayaasha intaba.
Markii la
isku soo laabtay ayey Czech Republic ka dhaliyeen gool ugu
danbeyntii noqday kan kaliya ee ka dhashay garoonka, waxaana
u saxiixay weeraryahanka Sverkos oo daqiiqado kahor lagu soo
badalay Ciyaaryahanka ugu dheer Aduunka Koller oo
weerarka uga ciyaara Wadanka Czech, goolkaas kadib
Switzerlabd ayaa weeraro is daba joog ah kusoo qaaday
goolka Czech oo uu si weyn u ilaalinayay goolhaye Peter
Chech.
Natiijada
kulankii ugu horeeyay Euro 08 ayaa noqotay dalka martida loo
yahay ee Switzerland oo ku bilaabay guul daro iyo Czech
Republic oo ku bilowday 3 dhibcood oo saafi ah.
Waxa ay
isku qeyb ku wada jiraan
Portugal
iyo Turkey-ga oo ciyaaray kulankii labaad waxaana 2 gool iyo
waxba guusha kula hoyday dalka Portugal oo ka mid ah dalalka
looga baqayo ku guuleysashada Tartanka Euro 2008. labada
gool ee Portaqiiska ayaa wada dhashay qeybtii labaad ee
ciyaarta waxaana u kala dhaliyay Pepe oo difaaca ka ciyaara
iyo Raul Meireles.
Portugal
ayaa soo bandhigtay ciyaar aad u wanaagsaneyd, waxa ayna
fariin cad u direen dalalka kula tartamaya koobkan oo ay
dareensiiyeen in ay ka xoog badan yihiin sidii ay ahaayeen 4
sano kahor markii ay kaalinta labaad ka galeeen Tartanka oo
lagu qabanayay gurigooda.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |