Euro 2008 oo
Xulalka Jarmalka iyo Croatia ay xalay Guulo soo hooyay.
(Vienna, June 09,
2008 Ceegaag Online)
Xulka
Qaranka Jarmalka ayaa xalay 2-0 ku garaacay xulka Qaranka ee
Dalka Poland, Ciyaaryahan Lukas Podolski oo Asal ahaan u
dhashay Poland iyadoo waalidkii dhalay labaduba ay ahaayeen
Reer Poland hase yeeshee ay u soo qaxeen dalka Jarmalka
markii uu Podolski ahaa 2 jir, ayaa dhaliyey Labada gool oo
ay ku badiyeen dalka Jarmalka isagoo kan hore baas wanaagsan
ka helay saaxiibkiis Miroslav Klose oo sidoo kale isna
Asalkiisu Polandees ah daqiiqadii 20-aad ee ciyaarta halka
goolka kalena oo dhaliyey 20 daqiiqo markii ay ka harsaneyd
dhamaadkii ciyaarta.
Guushan
Jarmalka ayaa aheyd toodii ugu horeysey mudo 12 sano ah
iyagoo markii ugu dambeysey ee ay badiyaan kulan ka tirsan
koobka qaramada Yurub uu ahaa Finalkii 1996 markii ay 2-1
koobka uga qaadeen dalka Jamhuuriyada Czech Republic.
Wadanka
Jarmalka wuu ku guuldareystey tartamadii 2000 iyo 2004 inuu
soo dhaafo wareega 1aad iyagoo aan badinin mid ka mid ah
kulamadii ay ciyaareen.
Ciyaartii kale ee xalay dhacday ayaa waxay dhex martay
Xulalka Croatia iyo Austria oo ah wadanka labaad ee Marti
galiyay Ciyaaaraha Qaramada Yurub. Waxaana 1:0 ku adkaaday
Xulka Croatia iyadoo Goolka qudha uu u daliyay Xulka Croatia
Ciyaaryahanka lagu Magacaabo
Luka Modric
Labada dal
ee sida wada jirka ah u marti gelinaya tartankan qaramada
Yurub ayaa kulankoodii ugu horeeyey min 1-0 lagaga itaal
roonaadey iyadoo ay ku adkaan doonto sidii uu midkood usoo
gaari lahaa wareega labaad ee tartankan maadaama kulamo adag
ay usii dhiman yihiin.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |