shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Euro 2008 Portugal oo usoo baxdey Wareega Labaad iyo Turkiga oo Guushii ugu horeysay soo hooyay.

(Basel, June 12,  2008 Ceegaag Online)

Xulka Portugal ayaa 3-1 ku garaacay Xulka Qaranka Czech Republic kulan aad u xiisa badnaa oo ka tirsanaa qeybta A una soo baxay Wareega Labaad, halka Wadanka martida loo yahay ee Switzerland ay ka hareen Tartanka Ciyaaraha Euro 2008.

Xulka Portugal  oo afar sano ka hor Final-ka looga adkaaday ayaa hada waxa uu umuuqdaa  dalka loo saadaalinayo in uu ku guuleysanayo koobkan.

Goolka 1aad ee Portugal ayaa yimid daqiiqadii 8-aad ee qaybta hore ee ciyaarta waxaana u saxeexay Ciyaaryahanka Asal ahaan kazoo jeeda Dalka Brazil ee Deco, hase yeeshee ciyaaryahanka L. Sionko ayaa Xulka Czech Republic u dhaliyay Goolkii barbar dhaca ahaa daqiiqadii 17-aad ee isla qaybta hore ee ciyaarta.

Labada Dal ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso galisay dadweynihii daawanayay iyadoo qeybtii dambe Ciyaaryahanka da’da yare e Reer Portugal C.Ronaldo u dhaliyay wadankiisa Gool aad u quruxbadnaa daqiiqadii 63aad, Ronaldo ayaa isla daqiiqadii 90-aad Gool uu dhalinkaro u ogalaaday ciyaaryahanka isna da’da yare e R. Quaresma inuu shabaqa Kooxda Czech ku hubsado, halkaas oo ay ciyaartii kusoo gabagabooday 3:1.

Xulka qaranka ee Turkiga ayaa xalay afka ciida u daray wadanka martida loo ahaa ee Switzerland, Ciyaartan oo aad u xiisa badneyd ayaa hab ciyaareedka labada koox aad isugu dhowaayeen iyadoo markii dambe Xulka Turiga uu 2:1 kaga adkaaday Xulka Switzerland.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com