Faahfaahin ku
saabsan 2 Ajinebi oo si Sharci daro ah u baadhayay Macdanta
Buuraha Calmadow oo lagu qabtay Magaalada Laasqoray.
(Laasqoray, June
07,
2008 Ceegaag Online)
Warar Dheeraada oo ka
soo baxay magaalada Laasqoray ee Gobolka Sanaag ayaa Waxa ay
soo Xaqiijinayaan in Gaari saaka lugu qabtay duleedka
magaalada laasqoray ay saarnayeen 2 nin oo Ajnebiya iyo tiro
kale oo aan badnayn waxaana la sheegay in dadka cadaanka ah
ay u kala dhasheen Wadamada China,iyo Yemen waxaana la
geeyey Dadkaasi Meel 20-Km u jirta Magaalada Ceerigaabo ee
Xarunta Gobolkaasi Sanaag.
Wararku Waxay sheegayaan
In Kooxda Wadatey gaariga la Qafaashay ay ahayeen kooxo ka
soo jeeda Degaanka Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari
Waxaana la Sheegay Inay ahaayeen Dad Si Qarsoodi ah ku
baaranaya Macdanta iyo khayraadka Dhulka Sanaag ku aasan
iyagoo aan Cidina ka Warqabin arinta Qarsoodida ah ee ay Ku
guda Jireen.
Waxaan ka Cudur
Daaranaynaa Inaan Saaka Warkayaga ku sheegnay Shirkada
Macdanbaaritsta ee Reanch Source iyadoo ay yihiin Qolyaha
Saaka laga afduubay Duleedka Magaalada Laasqoray Qolyo ka
Madaxbanaan Shirkadasi Shidaal qodista balse iyaga laf
ahaantoodu ay ahaayeen Kooxo Si sharci daro ah uga
quudanayey Agagarka Degmada Laasqoray.
Waxaa Ka Baxay magaalada
Boosaaso ku dhowaad 4-tigniko ah oo ay Saaranyihiin
Ciidamada Bileyska Maamulka Puntland oo Haatan ku sugan Meel
wax yar dhinaca Galbeed kaga beegan Degmada Laasqoray ee
Gobolkaasi Sanaag Waxaana lugu soo Waramayaa Inaanay ilaa
iminka la Hayn Wax talaabo ah oo ay ku raadinayaan
arintaasi.
Gudoomiyaha Degmadaasi
ee Dhinaca Golaha Shacabka Mudane Yuusuf ayaa ka Gaabsaday
Inuu Saxaafada uga Waramo Xaalada ka Dhacday Duleedka
Degmada Laasqoray isgoo Sheegay Inaanay arintaasi ahayn Mid
uu Saxaafada u gubinkaro.
Waxaa Ciidamada Maamul
Goboleedka Puntland ee ku sugan Degmada Laasqoray ay soo
sheegayaan Inaaney arintaas wax Xog ka Hayn oo aysan
Kooxdaasi Weerar ku qaadi karin balse ay Si Walaaltinimo ah
Wax kaga Doonayaan ,Ma kala Cada ilaa iminka Jawaabta ay ka
Bixin Donaan Kooxda Haysata 3 Ruuc ee ajnebiga ah Waxaa
Degmada Laasqoray ee Gobolka Sanaag Suuqyadeeda loogu
arkayaa Dadbadan oo iswaydiinaya arintaasi Saaka ka soo
Cusboonaatay.
Odayaal Dhaqameed
Magaalada Laasqoray ayaa Wada Qorshayaal iyo Dedaalo ay ku
baadi gobayaan sidii loo Heli lahaa Xal macquul ku ah
Xaaladaasi iyo Deganaansha Degaanka Welina ma jiraan wax
hadalo ah oo ay wada yesheen xubanaha Maamulka Puntland iyo
Waxgaradka Odayaal dhaqameedka ka soo jeeda degaanka Gobolka
Sanaag.
Xigasho: Laasqoray
webmaster@ceegaag.com |