Golaha
amaanka oo isku raacay in Maraakiib dagaal loo diro xeebaha
Soomaaliya.
(New York, June
03,
2008 Ceegaag Online)
Golaha
Amaanka ayaa isku raacay in maraakiib dagaal loo diro
xeebaha dalka Soomaaliya oo kamid noqday xeebaha ugu
khatarta badan caalamka halkaas oo ay ku sii baahayaan
afduubka ay kooxo burcad badeed Soomaali ah u geysanayaan
maraakiibta shisheeye.
Qaraar ay soo bandhigeen Dowladdaha Mareykanka iyo
France
oo ay golaha amaanku ka doodeen ayey markii dambe isku
raaceen in wax laga qabto xeebaha dalka Soomaaliya si loola
dagaalamo khatarta kooxaha burcad badeedda ah ay ku hayaan
Maraakiibta Shisheeye.
Golaha
amaanka ayaa isku raacay in muddo lixbilood ah ay
maraakiibta dowladaha shisheeye ka howlgalaan xeebaha dalka
Soomaaliya kadib markii go'aan tirsiguusu ahaa 1,816 ay
ansixiyen xubnaha golaha amaanka.
Golaha
amaanka ayaa u fasaxay dowladaha shisheeye ee ay maraakiibta
dagaal ka joogaan xeebaha dalka Soomaaliya in ay la
dagaalamaan kooxaha burcad badeedda Soomaalida ah iyagoo
isticmaalaya maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka.
Xeebaha
dalka Soomaaliya ayaa kooxo burcad badeed Soomaali ah waxa
ay ku afduubtaan maraakiibta shisheeye iyagoo markaa
dabadeedna ka qaata lacago madax furasho ah oo aad u fara
badan, waxaana taasi ay keentay in maraakiibta shisheeye ee
badeecadaha u soo daabulaya Soomaaliya ay ku soo dhiiran
waayaan xeebaha dalka Soomaaliya.
Bishii la
soo dhaafay oo kaliya kooxaha burcad badeedda ah waxa ay
afduubteen maraakiib shisheeye oo ka badan 4 markab kuwaas
oo qaarkood weli ku jira gacanta kooxaha burcad badeedda ah
halka qaarka kale lagu sii daayey lacago madax furasho ah oo
ay bixiyeen.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |