Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay oo ansixisay qaraar kufsiga u aqoonsanaya inuu
yahay Xeelad dagaaleed
(New York, June
20,
2008 Ceegaag Online)
Kal fadhi uu yeeshay maalintii shalay ahayd Golaha
Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa si aqlabiyad leh ku
ansixiyeen qaraar kufsiga u aqoonsanaya inuu yahay xeelad
dagaaleed, sidaasi darteed ay tahay in tallaabo lagu
xakameeyo la soo saaro.
Qoraalka qaraarka ah waxaa uu qeexayaa in kufsigu uu
yahay nooc ka mid ah xeeladaha dagaalka isla markaana liddi
ku ah ammaanka caalamiga.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki moon wuxuu
sheegay in xadgudubyada ka dhanka ah haweenka ay gaartay
qiyaas aan laga hadli karin.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa soo dhoweeyay
qaraarkaasi iyagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah
Dhaqankan ayaa ah mid ay shareecada Islaamku Mamnuucday
balse lagu eedeenayo dalal islaam ah inay ku jiraan wadamada
falalkan foosha xumi ka dhacaan, wadamadaa oo ay ka mid
tahay wadanka Ethiopia, iyo kuwo kale oo badan.
Golaha Amaanka
webmaster@ceegaag.com |