shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Golaha dhexe ee Isbeheysiga Asmara ayaa ku Kulmi doona Magaalada Jabuuti.

(Jabuuti, June 30,  2008 Ceegaag Online)

Sida uu shaaciyey Saleebaan Colaad Rooble guddoomiyaa guddiga warfaafinta ee isbeheysiga dib u xoreynta waxaa 1-da July uga furmaya magaalada Jabuuti shirweynaha golaha dhexe ee isbeheysiga dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jabuuti ku sugan.

Wuxuu sheegay in xiriiro kala duwan kadib ay go'aansadeen inay dalka Jabuuti ku qabtaan kalfadhigii 2-aad ee shirka golaha dhexe, isagoo intaa raaciyey in qaban qaabada shirkaas ay guddiyo u magacaabeen.

"Wuu dhacayaa shirka golaha dhexe, haddana qaban qaabo ayaan ku jirnaa, xubnaha ka maqan Jabuuti waxaan ugu baaqeynaa inay yimaadaan si ay uga qeyb galaan shirka golaha dhexe ee Jabuuti lagu qabanaayo" ayuu yiri Salaabeen Colaad Rooble guddoomiyaha guddiga warfaafinmta isbeheysiga dib u xoreynta.

Lama oga sida uu u qabsoomi doono shirka golaha dhexe ee ka dhacaya dalka Jabuuti maadaama isbeheysiga dib u xoreynta ay u kala jabeen labada garab oo garab kamid ah ay weli ku sugan yihiin magaalada Asmara oo markii hore lagu aas-aasay isbeheysiga dib xoreynta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee shirka golaha dhexe ee Jabuuti lagu qabanaayo ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan dadaalo ay wadaan mas'uuliyiin ka tirsan maxkamadaha oo ku aaddan sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo aad ugu kala aragti duwan arrimaha iminka soconaya

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com