Goobihii
ay shalay dagaaladu ka dhaceen ayaa saaka degan, waxaana dib
u bilowday ganacsigii iyo isu socodkii gaadiidka iyo
dadweyanaha.
(Muqdisho, June
09,
2008 Ceegaag Online)
Waddooyinka soo gala
suuqa weyn ee Bakaaraha oo shalay ahaa kuwo xirnaa ayaa
saaka furan, waxaaana sidoo kale dadka iyo gaadiidkuba ay
isticmaalayaan wadada wadnaha oo kamid aheyd goobihii ay
shalay dagaaladu ka dheceen.
Waxyeelada ka dhalatay
dagaalkii shalay ayaa ah kuwo sii kordhaya, iyadoo dhaawacyo
hor leh laga geynayo goobaha caafimaadka, waxaana sidoo kale
wararku sheegayaan in meydad cusub laga helay goobihii
shalay ay dagaaladu ka dheceen.
Guddoomiyaha ganacsatada
suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in khasaare nafeed iyo mid
hantiyeedba uu soo gaaray suuqa Bakaaraha, isagoo sheegay in
duqeyn aan horey loo arag suuqaasi shalay loo geystay.
Inkasta oo ay iminka
xaaladdu deggan tahay ayaa haddana markasta la filan karaa
dagaallo kale oo dhaca maadaama ciidamada dowladda KMG ay
weli ku sugan yihiin deeganada qaar ee ay shalay dagaaladu
ka dheceen.
Inta la og yahay dad ka
badan 20 qof ayaa ku geeriyooday inka badan 100 qof oo
dhaawac ahna waxaa la dhigay isbitaalada
Magaalada Muqdisho kuwaas oo
ku waxyeeloobay dagaaladii shalay ka dhacay degmooyinka
Wardhiigley iyo Howlwadaag oo labaduba ku dhaw Suuqa
ganacsiga ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |