Guddiga dib u
heshiisiinta Qaranka ayaa markii ugu horeysay ku baaqay in
wada xaajood lala galo Ururka Al-shabaab
(Muqdisho, June
18,
2008 Ceegaag Online)
Isagoo la
hadlayey mid kamid ah idaacadaha Muqdisho guddoomiyaha
guddiga dib u heshiisiinta Qaranka Ismaaciil Macalin Muuse
ayuu shaaciyey in ay haboon tahay in wada hadalo lala galo
ururka Al-shabaab islamarkaana lagu biiriyo wada xaajoodka
dowladda KMG ah ay kula jirto dhinacyada ka horjeeda.
Wuxuu sheegay in in aragti ahaan uu qabo in wada hadal lala
furo ururka Al-shabaab oo uu xusay in uu dagaal xooggan oo
aan la dafiri karin kula jiro dowladda KMG ah iyo ciidamada
Ethiopia, isago intaa raaciyey in haddii la doonayo in dalka
nabad loo helo ay tahay in dhinacyada mucaaradka ah si isku
mid ah wada hadallo loola furo.
"Runtii wey haboon tahay in Al-shabaab wada xaajood lala
furo, anigana aragti ahaan waan ku baaqaya arrintaas waayo
xalka siyaasadda ayey qeyb ka tahay" ayuu yiri Ismaaciil
Macalin Muuse.
Wuxuu intaas raaciyey in dagaal laga soo daalay islamarkaana
loo baahan yahay in wada hadal wax kasta markaan lagu
dhameeyo si shacabka Soomaaliyeed loo badbaadiyo.
Waa markii ugu horeysay ee uu guddoomiyaha guddiga dib u
heshiisiinta shaaca ka qaado in wada hadal lala furo ururka
hubeysan ee Al-shabaab oo dagaallo kula jia dowladda KMG ah
iyo ciidamada Ethiopia
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |