shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adda ICRC ayaa qaylo dhaan ka soo saartay Xaalada Dalka Somalia.

(Nairobi, June 05,  2008 Ceegaag Online)

Hay’adda ICRC ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in xaalada dalka Soomaaliya ka jirta ay tahay musiibo aad u weyn una baahan in si deg deg ah wax looga qabto, ICRC ayaa sheegtay in xaalada dadka ku tabaaleysan Soomaaliya ay kasii dareyso iyadoo aan si wanaagsan weli looga jawaabin qeylo dhaanta kasoo baxaysa dalka Soomaaliya.

Hay’ada ICRC ayaa sheegtay in dagaalada ka socda dalka Soomaaliya ee hubka aadka u waaweyn la isu adeegsanayo shacabka dhexdiisa, iyo abaaraha ba’an ee ka jira bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya ay yihiin musiibooyin waaweyn oo ku habsaday dalka Soomaaliya una baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

ICRC oo sheegtay in ay baaritaano badan ku sameysay xaalada Soomaaliya isla markaana soo joogtay intii ay dhacayeen dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, hadana ay yartahay jawaabta laga bixiyey u gargaarka malaayiinta Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka heystaan.

Qeylo dhaanta hay’ada ICRC ayaa qeyb ka ah baaqyo kaasoo baxaya Hay’addaha caalamiga ah ee ka shaqeeya dalka Soomaaliya oo dhamaantood soo saaray bilihii lasoo dhaafay warbixino looga digayo xaalada bini’aadamnimo ee ka jirta Guud ahaan dalka Soomaaliya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com