Hay'adda
WFP ayaa raashin mucaawino ah u qeybisay dad Soomaaliyeed oo
ku dhibaateysan qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe.
(Sh/dhexe, June
26,
2008 Ceegaag Online)
Hay'adda WFP ayaa raashin
mucaawino ah u qeybisay dad Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan
qeybo kamid ah gobolka Sh/dhexe, xilli ay sii kordhayaan
dadka u geeriyoonaya gaajada iyo cudurada ka jira dalka
Soomaaliya.
Qoysas fara badan oo ku
dhaqan gobolka Sh/dhexe ayaa ka faa'iideystay deeqdaas
mucaawinada ah, iyadoo hay'addu ay qoysaskaas gaarsiisay
kaalmooyin kala duwan.
Qaar kamid ah dadka deeqda ay u qeybisay hay'adda WFP ayaa
si aad u soo dhaweeyey arrintaan, iyagoo sheegay in deeqda
la soo gaarsiiyey xilli ay aad ugu baahan yihiin, waxaana at
intaas raaciyeen in hay'adda WFP ay ka codsanayaan inay sii
wado gaarsiinta deeqaha ay u qeybisay.
Waxaa sidoo kale hay'addu
ay deeq kaalmo ah ay gaarsiisay dad ku dhaqan miyiga gobolka
Sh/ dhexe kuwaas oo ay heysatay xaalad nolol xumo oo aadu
liita, waxaana dadla raashinka loo qeybiyey ay u badan
yihiin xoolo dhaqato iyo beeraley.
Si kastaba ha ahaatee
hay'adda WFP ayaa gobolada dalka Soomaaliya waxa ay ka wadaa
qeybinta deeqo kaalmo ah kuwaas oo aan ku filneyn dadka
Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka isbiirsaday ay ku heystaan
dalka Soomaaliya
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |