Hogaamiye
sare oo ka tirsan Ururka Al-qaacida ayaa ku booriyay xoogaga
hubeysan in ay dagaal kala hortagaan Ciidamada Ajanabiga.
(Somalia, June 23,
2008 Ceegaag Online)
War ka soo baxay Ururka Al-Qaacida
ayaa loogu baaqay dagaal yahanada Soomaaliyeed in ay dagaal
kala hortagaan ciidamada UN-ka ee Soomaaliya la keenayo sida
uu sheegay afhayeen u hadlay ururka Al-Qaeda
Cajal Video ah oo ay soo
saareen ururka Al-Qaeda ayaa lagu soo bandhigay Website ku
hadla afka ururka Al-Qaacida, waxaana canjalka ka soo
muuqday Abuu Yaxya Al-Libi oo ka tirsan ururka Al-qaacida.
"Waa in dagaal yahanada
Soomaaliyeed ay dagaal kala hortagaan ciidamada ajnabiga ah
ee Soomaaliya imaanaya, dagaal kala hortaga cid kasta oo
shisheeye ah oo Soomaaliya timaada" ayuu yiri Abuu Yaxya Al-Libi.
Wuxuu ku booriyey dagaal yahanada Soomaaliyeed inaysan
aqbalin wax ka yar dowlad Islaami ah oo ay ka dhisaan dalka
Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in ay xoojiyaan dagaalka
ay kula jiraan shisheeyaha dalka qabsaday iyo kuwa iminka
loo soo wado.
Si kastaba ha ahaatee
hadalka ka soo baxay ururka Al-Qaeda ayaa imaanaya xilli
beesha caalamku ay dadaal xooggan ugu jirto sidii ciidamo
caalami ah loo keeni lahaa dalka Soomaaliya.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |