Holland oo
Guuldaradii ugu xumeyd dhabarka u saartay Faransiiska iyo
Buffon oo Italy badbaadiyay.
(Vienna, June 13,
2008 Ceegaag Online)
Xulka
Holland ayaa 4-1 ku garaacay Qaranka Faransiiska kulan aad
u xiisa badnaa oo ka tirsanaa Group C una soo baxay wareega
labaad ee tartanka Ciyaaraha Qaarada Yurub ee Euro 2008.
Xulka
Faransiiska oo Sideed sano ka hor ku guuleystay koobkii
Yurub ee lagu qabtay Dalalka Holland iyo Belgium isla
markaana ka mid ahaa dalalka loo saadaalinaayey iney ku
guuleysanayaan koobkan ayaa naxdin iyo qarow ku bilaabay
markii kulankoodii 2aad lagaga naxsadey 4 gool oo aad u
qurux badnaa.
Goolasha
waxaa u dhaliyay Qaranka Holland Ciyaaryahanada da’da yar ee
D. Kurt, R.V. Persie, A.Robben iyo Ciyaaryahanka Sanadka
W.Sneijder halka faransiiska Goolka Caatada ah uu u dhaliyay
T.Henry.
Guuldarada
soo wajahday Faransiiska waa tii ugu weyneyd in muddo ah oo
ay kala kulmaan Tartankan iyadoo aan hore Qaranka
Faransiiska lagaga badin kulanka 2aad ee Qaramada Yurub
Tani waa
Guul Taariikhi ah, waxaan si xarago leh uga adkaanay Qaranka
Faransiiska, waa qarankii qaaday Koobka Aduunka iyo Euro
2000 waxaana u gudubnay Wareega Labaad ayuu yiri Tababaraha
Xulka Holland Van Basten oo farxad aan xad laheyn ka
Muuqatay wajigiisa.
Faransiiska waxey kulankooda 3aad la ciyaari doonaan Xulka
Talyaaniga maalinta Salaasadda iyadoo Holland ay isla
maalintaas la ciyaarayaan Xulka Romania.
Dhinaca
kale Xulalka Talyaaniga iyo Romania ayaa 1:1 isla dhaafi
waayay Ciyaar aad uxiiso badneed waxaa Goolka ku horeeyay
Xulka Romania waxaana u saxeexay Ciyaaryahanka A.Mutu halka
C.Panucci uu Gool barbar dhac u dhaliyay Xulka Talyaaniga.
Dadka ka
faalooda ciyaaraha ayaa saadaaliyay in Xulalka Faransiiska
iyo Talyaaniga aysan u gudbi doonin Wareega labaad ee
Tartanka Euro 2008.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |