Hotel Nasiye oo
lagu qabtay Kulan looga hadlayay nabadgalyada Deegaanka
Soomaalida Ethiopia.
(Jig-Jiga, June
18,
2008 Ceegaag Online)
Maanta galinkii hore, waxaa Hotel Nasiye ee ku yaalla
badhtamaha magaalada Jig-Jiga lagu qabtey shir ay isugu
yimaadeen hoggaamiye-dhaqameedka deegaanka Soomaalida, iyo
masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumada deegaanka Soomaalida.
Kulanka oo ka dhacey Hotel Nasiye, ayey u jeedadiisu ahayd
sidii ay maamulka deegaanka iyo odayaashu tashi uga wada
yeelan lahaayeen isla markaana uga wada shaqeyn lahaayeen
sugida
Nabadgalyada Deegaanka.
Masuuliyiinta shirka timid, oo kala ahaa, Hoggaanka
Nabad-galyada, Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ileey) iyo
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Daa’uud Maxamed Cali, ayaa
odayaasha uga warbixiyey, dhibaatooyinka ay nabad-galyo
xumada ka jira qeybo badan oo ka mid ah Ismaamulka Deegaanka
iyo sida ururada nabad-diidka ahi ay caqabad weyn ugu yihiin
horumarka bulshada deegaanka. Hoggaanka Nabad-galyada ayaa
odayaasha ka codsadey ineysan marna la gabannin wixii talo
iyo tusaale ah ee ay Xukuumada Siinayaan.
Odayaasha ayaa dhankooda, si aad ah uga mahad celiyey in ay
masuuliyiinta dawladu ugu yimaadaan la tashi, isla mar
ahaantaana waxay ballan qaadeen iney dawlada kala
shaqeynayaan sidii looga adkaan lahaa kooxaha carqalada ku
ah nabad-galyada. Gaba-gabadii shirka waxaa ka soo qayb
galey culimaa’udiin aad looga yaqaano deegaanka Soomaalida,
oo kulanka ku soo xidhey dar
Daaran iyo duco.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |