shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

In ka badan 60 Tahriibayaal Soomaali ah oo lagu la’yahay Xeebaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga.

(Lampeduse, June 05,  2008 Ceegaag Online)

Iyadoo ay isa soo tarayaan Muhaajiriinta Soomaalida ee sida Tahriibka ku galaya Dalka Talyaaniga ayaa hadana todobaadkan waxaa uu noqday todobaadyada ugu geerida badan.

In ka badan 60 ruux oo Muhaajiriin Soomaali ah ayaa lagu weysan yahay inta u dhaxeysa Xeebaha Libiya iyo Talyaaniga, kuwaasi oo dooni ka raacay Dalka Libiya.

Dooni dadkaasi ay saarnaayeen ayaa waxay ka baxday dabayaaqadkii Bishii hore Xeebaha Dalka Libiya, kuwaas oo nolol ka fiican tii ay ku jireen doonayay in ay kula noolaadaan Dalalka Yurub.

Ma jirto wax war iyo wacaal ah oo dadkaas lagu hayo iminka, mana jirto ilaa iyo hada cid ka warheysa nolol iyo geeri toona.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay dhici karto in dadkaas ay u qarqameen Bada Mediterranean  halkaas oo kumanaan ruux ay horay ugu maashoobeen, waxaa la leeyahay Doontii ay saarnaayeen ayaa cilad darteed u qalibantay, hase ahaatee warkaas ayaa aheyn mid la xaqiijin karo ilaa iyo hada.

Ma’ahan markii ugu horeeysay ee dooni ay saran yihiin Muhaajiriin Soomaali ah ay ku maanshoobaan Badaha u dhexeeya Dalalka Libiya iyo Talyaaniga waxaana Bishii 8aad ee Sanadii tagtay Badahasi lagu waayay Dooni siday Muhaajiriin Soomaali u badan kuwaasi oo la aaminsan yahay in ay intooda badan Geeriyoodeen.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com