shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Iska horimaad dhimashho iyo dhaawac dhaliyey ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.

(Kismaayo, June 15,  2008 Ceegaag Online)

Inta la ogyahay hal ruux ayaa geeriyooday mid kalena waa ku dhaawacmay markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ciidan oo ku taala magaalada Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose halkaas oo la sheegay in uu iska horimaad ka dhacay.

Maleeshiyada weerarka qaaday ayaa la sheegay in ay ka careysnaayeen lacago gunno ah oo ay lahaayeen oo aan la siin, waxaana goobta ay weerareen la sheegay in ay ka socotay mushar bixin.

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xaaladdu ay iminka caadi tahay, iyadoo ay weerarka kadib ciidamada amaanka dhaqdhaqaaq ka sameeyeen halkii ay shaqaaqadu ka dhacday ee xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo

Dadka magaalada Kismaayo ku nool ayaa qaatiyaan ka taagan rabshadaha aan dhamaadka laheyn ee maalin walba ka dhaca gudaha magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan maamulkeeda maleeshiyo beeleedyo hubeysan.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com