Iska
ilaaliya Sharaabkan lagu iibiyo Wadama badan oo aynu ku
noolahay!!!!
(U.A.E, June 24,
2008 Ceegaag Online)
Mahad iyo
Amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
Amaan iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaato kii aanu jirin Nebi
ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii dhamaantood
Intaas
ka dib:
Inshaa Allaah
Sheekada aan Qoraalkan ku soo qaadan doonaa, waa Sheeka run
ah oo dhacaday aadna u muhiim ah waxaana ka rajaynayaa
dhamaan in mid kasta oo idinka mid ahi ku dedaalo fidinteeda
oo aynu isku gargaarno taas waayo waa Arin anfacaysa
Muslimiinta in looga digo Sharaabkaa iyo kuwa la mid ka ah,
waana Arin laynagu amray in aan isku gargaaro siduu yidhi
tacaalaa:
{وَتَعَاوَنُواْ
عَلَى الْبرِّ وَالتَّقْوَى}
{waxaad
isku gargaartaan qaarkiinba qaarka kale Samafalka oo ah
Magac kulminaaya wax kasta oo uu Allaah tacaalaa jecel yahay
oo uu ka raali yahay ee ah Camalada muuqda iyo kuwa
qarsoonba ee ah Xuquuqda Allaah iyo Xuquuqda Bini Aadamkaba,
waxaad kaloo isku gargaartaan Taqwada oo ah Magac
kulminaayaan ka tegista wax kasta oo uu karhaayo Allaah
casaa wajalaa iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam
ee ah Camalada muuqda iyo kuwa qarsoonba iyo samaynta wax
kasta oo ka mid ah Waxyaabaha Khayrka ah ee laysku amray
samaynteeda iyo ka tegista wax kasta oo ka mid ah Waxyaabaha
Sharka ah ee laysku amray ka tegisteeda, Adoonkuna wuxuu ku
amran yahay inuu isagu Naftiisu samayo kuna gargaaro
samaynteeda Walaalihiisa Mu’miniinta ah}
Waxayna tahay
Sheekadu in Nin Guri iyo laba Gabdhood leh ay qadertu
noqotay in uu u dhoofo isaga iyo Xaaskiisii iyo labadiisii
Gabdhoodba Wadanka Thailand si uu isugu soo samayo
Baadhitaano Caafimaad, Ninkii wuxuu Dhakhtarkii u sheegay
Arin aanu filanayn oo kedisa ku noqotay, waana in uu yahay
Madhalays yacni aanu Caruur dhali Karin, bal malay siday
noqon karto Xaaladiisu Ninkaa markii loo sheegay Warkan aan
wanaagsanayn, wuu wareeray wuxuuna ku dhowaaday Waali
Ficilkii ugu
horeeyay ee uu samayayna wuxuu noqday in uu tuhmo Xaaskiisii
Miskiinada ahayd, isagoo ku tuhmaaya maadaama uu yahay
Madhalays meesha ay ka keentay labadan Gabdhood, ku dheeraan
mayno faah faahinta halkan wixii dhex maray labada dhinac
iyo Xaaladii Nafsiga ahayd ee ay ku noolaayeen Mudadaa,
laakiin ugu dambayntii waxaa yimi Baaditaankii DNA ga kaas
oo soo geba gebayay Arintii oo ka kor qaaday Xaaskiisii
Miskiinada ahayd ee Shariifada ahayd Tuhumkii iyo Dembigii
aanay lahayn ee uu dusha ka saaray oo uu cadayay in uu isagu
waa Ninkii ee Gabdhahan dhalay,
Halkan ayaa
waxaa ku dhacay Dhakhtaradii Amaankaag aad u adag iyo
Arintii oo la garan waayay siday u dhacday, waxayna la
yeesheen Reerkii Fadhiyo badan oo waraysi ah, iyaga oo
Su’aalo ka waydiiyay Arima badan oo Xasaasi ah oo ku saabsan
Noloshooda, waxa ka mid ah faah faahinta jawaabahaa ay
bixiyeen Qowsku in Xaaska Jawaabeheeda ay ka mid ahayd in uu
Ninkeedu cabo 3 ilaa 4 Qasacadood oo ah Sharaabka la
yidhaahdo
RedBull
Maalin kasta, waxayna bilaabeen Dhakhtardii in ay Baadhaan
Sharaabkaa iyaga oo ka soo qaaday Goobo kala gedisan
Taas oo
Reerkii loo sheegay Baaditaanka ka dib in ay Sharaabkan
samayso isla Shirkada samaysa Sharaabka Gaasta ah ee la
yidhaahdo Pepsi Cola ayna ku jirto Nisbad ah Viagra ayna
tahay Maadada laysay Xayawaankii Manida ee Biyaha Ninka taas
oo keentay in uu Madhalays noqdo
Waxa kale oo
jirtay in Dalka Sweden ay Maamulkiisu uga digeen Dadka si
Rasmi ah in ay cabaan Sharaabka la yidhaahdo RedBull,
waxayna tilmaameen in ay ku jirto qaar Sharaabada Noocan ah
Maadada la yidhaahdo Aivdrin ee u eg Maadada Adrenaline taas
oo u kalkaalisa Maadada Caffeine si Waxyeelo gaadhsiinaysa
Wadnaha
Waxaa ku jirta
Nisbad badan oo Isbiirta ah
Bal waxaa ku
jirta Nisbada badan oo Isbiirta ah sida lagu cadayay
Shaybaadhka Police ka ee Dubai Warkaas oo lagu qoray labada
Jariidadood ee Alitixaad iyo Alkhaliijba oo ah in
Sharaabka
RedBull
ay ku jirto
Nisbad Isbiirto ah oo ah 0.04%grm, waxaana taas lagu ogaaday
iyada oo Nin lagu soo qabtay Tuhmada ah in uu Gaadhi kaxayay
Isaga oo cabsan ama sakhraansan
Dabadeedna uu
Ninkaasu kaga dooday Maxkamada horteeda in aanu Weligii
cabin Khamri iyo wax la mid ah toona, markii aad loo baadhay
oo la waraystayna wuxuu sheegay in uu Habeenkaa cabay dhowr
Qasacadood oo ah Sharaabka RedBull, iyadoona Cadaalada la
meel marinaayo waxay Amartay Maxkamadii Police ka ee Dubai
in la baadho Samples kala duwan oo meela kala duwan laga soo
qaaday oo ah Sharaabka RedBull
Runtiina
waxaa Report kii lagu cadayay sida aan kor ku soo xusnay
sidaas darteedna waxay ka bari yeeshay Maxkamadii Police ku
Ninkii eedaysanaha ahaa oo ka korqaaday dhamaan wixii lagu
soo eedeeyay, laakiin Arintani waxay raali gelin wayday oo
ka biyadiiday Dowladihii hoose ee Imaaraatka iyaga oo ku
andacoonaaya in Nisbada Isbiirtada ah ee ku jirtaa Sharaabka
RedBull ay tahay mid la ogol yahay Caalam ahaan!!!!
Markaa
walaalayaal inaguma cusba Mowduuca Sharaabka Gaasta ah oo
horaynu wax badan uga hadalnay Dhibta Caafimaad ee uu
Jidhkeena u leeyahay iyo tan Diineedba, hase yeeshee kana
waxaa uu sii kordhinayaa Cadaymaha aan kala go’ayn ee aynu
Maalin walba ka ogaanayno waxa yeelada Dhinac kasta ah ee uu
inoo leeyahay Sharaabkanu, markaa waa in aan ka fogaynaa oo
aynaan keensan Guryeheena iyo Meheradeheenaba oo aan ka
fogaynaa cabistiisa Dadkeena oo uga dignaa dhamaan
Muslimiinta Sharaabkan Laciinka ah
Wabillaahi
atowfiiq
Essa
Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |