3 Mas’uul oo uu
kujiro Hogaankii Hore ee Nabadgal-yada Jamiil Muxumed Gaas
oo lagu qabqabtay Magaalada Addis Ababa.
(Jig-Jiga, June
22,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
magaalada Addis Ababa laga soo qabqabtay mas’uuliyihiin
horey uga tirsanaan jiray Maamulka Deegaanka Soomaalida isla
markaana muddooyinkii dambe ku noolaa magaalada Addis Ababa
ee xarunta Dalka Ethiopia.
Mas’uuliyiintan laga soo qabqabtay Magaalada Addis ababa
ayaa kala ah Jamiil Muxumed Gaas oo horey u ahaan jiray
Hoggaanka Nabadgalyada iyo Barasaabka Gobolka Dhagaxbuur,
Xamaw iyo Maxamed Ibraahim oo isna ahaan jiray
Commissioner-ka Booliska Degaanka Soomaalida.
Mas’uuliyiintan ayaa ahaa kuwo ay in badan Dawladda Degaanku
ku hawlanayd sidii ay u soo qaban lahayd isla markaana
Xabsiga Jig-Jiga u soo taxaabi lahayd iyadoo ku eedeysay
Dawladdu Mas’uuliyiintan inay gacan saar la leeyihiin
Jabhadaha ka dagaallama Deegaanka.
Haddaba saddexdan Xubnood ayaa maanta la keenay Magaalada
Jig-Jiga iyagoo laga yaabo in loo dhaadhiciyo xabsiga weyn
ee magaalada Jig-Jiga loona yaqaano (xabsi Ogaadeen) halkaas
oo ay Dawladdu Xadhig ugu diyaarisay,
Mas’uuliyiintan ayaa horey Shirkii dhawaan Jig-jiga lagu
qabtay lagu soo eedeeyay waxay Dawladdu ugu yeedhay
Nabad-diid isla markaana Maxkamadda Degaanku amar ku bixisay
in la soo qabqabto..
Wixii
kasoo kordha kala soco ceegaag Online
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |