shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda Al-shabaab oo ka mamnuucday ka ganacsiga Qaadka qeybo ka mid ah Gobolka Bay.

(Bardaale, June 22,  2008 Ceegaag Online)

Kooxda Al-Shabaab ayaa mamnuucay ka ganansiga qaadka iyo keenistiida, waxaana sidoo kalena ay mamnuuceen in haweenku ay shaaha ku iibiyaan waddooyinka deegaanka Bardaale ee gobolka Bay.

Go'aanadan ay xoogagga Al-shabaab ku soo rogeen deegaanka Bardaale ayaa la sheegay in ay halkaasi si rasmi ah uga dhaqan galeen oo aaney jirin cid ka hortimaada, iyadoo iminka deegaankaas aan lagu arkeynin haween waddooyinka shaah ku iibinaya iyo qaadka oo aan deegaankaas la geynin.

Haweenka tabarta yar ee shaaha iibiya ayaa wararku sheegayaan in ay ka xumaadeen go'aanka lagu mamnuucay iibinta shaaha ee waddooyinka deegaanka Bardaale, iyagoo ku cataabay in ay iibinta shaaha ka heli jireen qutulyoonkooda.

Deegaanka Bardaale ayaa iminka gacanta ugu jira xoogagga Al-shabaab, waxaana halkaas ka dhaqan gala go'aanada ay xoogaggaas ku soo rogaan dadka ku dhaqan deegaankaas.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com