Kooxo hubeysan
oo xalay weeraray Guriga Sheekh Aadan Madoobe ka dagan yahay
Magaalada Baydhabo.
(Baydhabo, June
09,
2008 Ceegaag Online)
Kooxo hubeysan oo aan la
garan ayaa xalay weerar waxa ay ku qaadeen hoyga uu
magaalada Beydhabo ka deggan yahay guddoomiyaha Barlamaanka
Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe)
Ilaalada hoyga
guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya iyo kooxihii weerarka ku
qaaday ayaa la sheegay in uu iska horimaad dhexmaray kaas oo
dhaliyey khasaase nafeed.
Inta la ogyahay hal qof
oo la sheegay in uu ahaa xogheyntii guddoomiyaha Barlamaanka
Sheekh Aadan Madoobe oo lagu magacaabi jiray Maxamed Bashiir
ayaa ku geeriyooday weerarka ay kooxaha hubeysan ku qaadeen
hoygiisa.
Ma jiro cid ka tirsan
maamulka gobolka Bay iyo saraakiisha ciidamada oo ka hadlay
weerarka ay xalay kooxaha hubeysan ku qaadeen hoyga
guddoomiyaha Barlamaanka iyo cidda ay ku tuhmayaan in ay ka
dambeeyeen weerarkaas.
Xaaladda magalaalada
Beydhabo oo xalay kacsaneyd ayaa saaka ah mid deggan,
waxaana wararka magaalada Beydhabo laga helayo ay sheegayaan
in rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen xalay laga
maqlayey guud ahaan xaafadaha magaalada Beydhabo
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |