Ma Taqaanaa
Cuntadaada Caafimaadka leh? Mase doonaysaa mid ka sii
Wanaagsan?
(Somalia, June 10,
2008 Ceegaag Online)
Mahad iyo
Amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
Amaan iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaato kii aanu jirin Nebi
ka dambeeyaa iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii dhamaantood
Intaas ka dib:
Waxay ogaatay
Wakaalada la yidhaahdo “Food standards Agency” in Dadka
Ingiriisku aanay aqoon Cuntooyinka Caafimaadka leh ee ay
tahay waajibka in ay cunaan, iyada oo weliba ay jiraan
Ololayaal soo noqnoqda oo Dadkaas taas lagu baraarujinaayo.
Waxayna ku ogaatay Wakaaladu Survey ay samaysay in aan Dadku
Aqoon Miqdaarka waajibka ah ay tahay in ay ka cunaan tusaale
ahaan Baastada iyo Kibista iyo waxa uu noqon karo Doorka
Midhaha (Fruits) iyo Khudradu (Vegetables) ay ku leeyihiin
Caafimaadka Wanaagsan
Iyo maxay
tahay Dhibaatooyinka ay sababayaan Cuntooyinka hodonka ku ah
Sonkorta iyo Dufanka. Hadaba Survey ay ku samaysay 2049 Qof
oo Sample ah, waxay ku ogaatay Wakaaladu tirada Jawaabaha
Khaladka ah ee ay ku jawaabeen Dadkaasu siday u garanayaan
Cuntooyinka Caafimaadka leh, mana ay garan 40% oo Samples
kaa ka mid ahi sida ay daruuriga u tahay in aanay u Cunin si
joogta ah Cuntooyinka ka dheregsan Sonkorta iyo Dufanka.
Sidoo kale waxay u malaynayaan qaarkood inay cunayaan
Cuntada Caafimaadka leh sida Midhaha si ay uga hortagaan ama
u joojiyaan Cuntooyinka aan Caafimaadka lahayn sida Dufanka
iyo Sonkorta, taasuna waa faham khaldan oo aan lahayn wax
Aasas ah oo Cilmi ah.
Waxayna u
malaynayaan 17% in ay samayntooda Jimicsiyaalka iyo
Ciyaaraha ay kula dagaalamayaan Cuntooyinka aan Caafimaadka
lahayn sida Dufanka badan, taasuna hubaal maaha mid sax ah,
waayo gubista Calories ku maaha macnaheedu inay ka
horjoogsanayso Dufanku in uu gaadho Xididada Wadanha oo
sababo Heart Stroke. Sidoo kale waxay u malaynayaan 17%
Sample kaa ka mid ahi inay suurtagal tahay in ay u cunaan
Cuntooyinka oo dhan si siman, kaasuna waa faham isaguna
khaldan. Sidaas darteed waxaa waajib ah inaad cunto
Cuntooyin Caafimaad leh Waqtiyada oo dhan, waxayna ku
talinaysaa Wakaaladu sidan soo socota:
1- In
aanay noqon Carbohydrates ku in ka badan saddex meelood
Cuntada Maalintiiba, waana inay ka samaysnaadaan Xubuub
dhamaystiran yacni wata Diirkiisa Buniga ah
2- in
aad cabto Koob Casiir ah Aroortii iyo Sixni Saladh ah oo aad
ku cuntid Qadada maalin walba iyo in aad ku dedaashid inaad
cunto Shan jeer Maalintii oo ah Midho iyo Khudrad, dabcan
waa kii awoodaaya inteena badani maba awoodno ee, laakiin ha
ku dedaalo taas markay u suura gashoba
3-
inaad cunto Kaluun Todobaadkii ugu yaraan laba goor
4-
inaad yaraysato cunista Cuntada hodonka ku ah Sonkorta iyo
Dufanka, sidaas darteed waxa waajib ah inaad cunto Midho
Maalintii halkaad ka cuni lahayd Buskutka iwm, iyo Biyo
halkaad ka cabi lahayd Sharaabka Gaasta ah sida
Coca Cola iyo Pepsi Cola iwm,
iyo inaad cunto iyana Nuts, Avocado iyo Kaluunka sababta oo
ah Saliidooda Caafimaadka leh
5-
waajib maaha mana haboona inaad cunto wax ka badan 6gms oo
Milix ah Maalin walba
6-
waxa waajib ah inaad samayso Dhaqdhaqaaq iyo Jimicsiyaal
xaga Jidhka ah
7-
waxa daruuri ah inaad cabto 6 ilaa 8 Koob oo Biya ah Maalin
walba
8-
waxaa daruuri ah inaad quraacato Maalin walba, Quraacdu waa
Meal ka ugu muhiimsan Cuntada Maalintii, Quraacda oo aanad
cunini kaama saacidayso inaad dhinto Miisaankaaga siday
Dadka qaar u haystaan waayo waxay taasu kugu dhiiri
gelinaysaa inaad cunto Cuntooyin aan Caafimaad lahayn inta
ka horaysa Xiliga Qadada
Arimahan oo
dhan waxaan ku soo qaadanay oo kaga hadalnay Qoraalo hore
iyaga oo inta ka faah faahsan, laakiin waxaan uga jeedaa ku
soo celcelinteeda inaan ku qanacno Baadhitaanada Dowliga ah
ee laga samayay Arintan siday isu waafaqayaan, Allaah
tacaalaa Caafimaad iyo Cafis baynu ka baryaynaa, intii
Allaah tacaalaa u yasiro oo awooda inay Talooyinkaa ku
socdaan waa muhuum inay ilaaliyaan oo qaataan Talooyinkaa
aan kor ku soo xusnay, kuwaan awoodina Allaah Caafimaad ha
siiyo
Wabillaahi
atowfiiq
Waxaa soo
guuriyay oo diyaariyay:
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |