shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad lagu xusayay Maalinta Qaxootiga Aduunka oo maanta ka dhacdey Xeryaha Qaxootiga ee Dalka Kenya.

(Dhadhaab, June 20,  2008 Ceegaag Online)

Xaflad ballaadhan oo lagu maamuusayey Maalinta Qaxootiga Adduunka oo sannad kasta loo dabbaal-dego 20-ka bisha June, ayaa maanta lagu qabtay Xeryaha Qaxootiga ee Dalka Kenya.

Xafladdan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, waxa ka qaybgalay mas’uulka ugu sarey Hay’adda UNHCR Antonio Guterres, xubno ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah, qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ee ku sugan Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Waxa munaasibaddaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan hay’adda UNHCR iyo Xukuumadda Kenya kuwaas oo dhammaantood tilmaamay sida ay muhiim u tahay in la daryeelo dadka tabaalaysan ee ka soo barakacay Somalia.

                        

“Dhibaatada qaxootigu waa mid caalami ah oo dunida ku faaftay, taas oo ay ugu badan tahay Afrika meelaha ay ka soo barakayaan qaxootigu, iyada oo ay ugu wacan tahay dhibaatooyinka iyo masiibooyinka ay gacmahooda ku samaysteen oo sababay qaxootiga faraha badan ee ka yaacaya Afrika.”  Ayuu yiri Antonio Guterres Madaxa hay’adda Qaxootiga ee UNHCR, Waxa kale oo iyaguna munaasibaddaa ka hadlay masuuliyiinta hay’adda UNHCR ee Kenya

                               

                      Jilaasha Caanka ah ee Angelina Jolie oo ka Murugsan dhibaatada Qaxootiga Aduunka

20 June 2008, oo ku beegnayd maanta oo Jimce ah ayaa waxaa loo dabaaldagayaa maalinta Qaxootiga Aduunka  waxa xafladd loogu dabbaal-degayey Maalinta Qaxootiga Adduunka lagu soo bandhigay wacyi galin loo jeediyay Dadka Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com