shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Somaliland oo 2 wiil oo u dhashay Ogadenia xabsiga dhigay lagana yaabo in loo gacan galiyo Ethiopia.

(Hargeysa, June 20,  2008 Ceegaag Online)

Maamulka lamagac baxay Somaliland ayaa waxay qabqabteen laba Wiil oo u dhashay Deegaanka Soomaalida Ethiopia kuwaas oo ku sugnaa Magaalada Hargaysa, Wiilashan lagu qabqabtay Hargaysa ayaa ahaa kuwo ku cusub magaalada isla markaana aan dad badan ka garanayn magaalada, wiilasha la qabtay ayaa Magacyadoodu lagu sheegay

1- Xasan Sheekh Ahmed Nuur Cali
2-Abshir Mahdi Siraad

Warku wuxuu intaas ku darayaan in Wiilashan la qabtay xilli ay Baabuur ka raacayeen magaalada, lamana garanayo ilaa hadda sababta maamulka Somaliland u qabqabtay Wiilashan, Wiilashan ayaa sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah ma jirin wax astaan gaar ah oo ka muuqatay oo looga shakin karo in ay ka tirsan yihiin Jabhadda ONLF, iyagoo goobjoogayaashu ay wiilasha ku qiyaaseen ardayda Waxkabarata Deegaanka Soomaalida fasaxna ku jooga Magaalada Hargeysa.

Haddaba sida looga bartay Maamulka lamagac baxay Somaliland waxaa laga yaabaa in Wiilashan dhalinyarada ah loo gacan galiyo Dawladda Itoobiya, iyadoo hadda ka hor maamulka Hargaysa ay dhalinyaro badan u soo gacan galisay Dowladda Itoobiya.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa iyagu waayadan dambe ku caanbaxay ka ganacsiga dadka u dhashay Ogaadenia kuwaas oo ku nool magaalooyinka hoos yimaada maamuladaas isla markaana dadka laga gacansado ayaa waxa ay yihiin dad u badan Gacansato, iyo dad kale oo Shacab ah oon shaqaba ku lahayn Jabhadaha ka dagaalama gudaha Ethiopia.

Lama garan doono meesha ay ku dambeyndoonaan  Wiilashan uu dhawaan soo qabqabtay Maamulka Somaliland balse wixii hadba ka soo kordha xaaladda Wiilashaan waxaad kala socon doontaan wararkeena dambe.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com