Madaafiic lagu
garaacay Garoonka Diyaaradaha xili Madaxweyne Yuusuf oo ka
dhoofayay.
(Muqdisho, June
01,
2008 Ceegaag Online)
Kooxaha hubeysan ee ka
horjeeda siyaasadda dowladda ayaa madaafiic aan tiradooda la
heynin ku weeraray garoonka magaalada Muqdisho xilli wafdi
uu hogaaminayo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay ka dhoofayeen
garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee
magaalada Muqdisho.
Madaafiicda lagu
weeraray garoonka Muqdisho waxaa wehliyey dagaal fool ka
fool ah oo dhexmaray ciidamada dowladda KMG iyo kooxaha ka
horjeeda dowladda kaas oo ka dhacay qeybo kamid ah wadada
Maka Al-mukarama.
Lama oga khasaaraha ka
dhashay dagaalka oo rasaasta la isku adeegsanayey si weyn
looga maqlayey qeybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho.
Ma jiro wax war ah oo ka
soo baxay dhinaca Dowladda KMG oo ku saabsan dagaalka saakay
ka qarxay wadada maka Al-mukarama oo ah waddo ay si weyn u
isticmaalaan madaxda dowladda KMG.
Aroornimadii hore ee saaka ayey aheyd markii ciidamo ka
tirsan Dowladda KMG ay xireen wadada isku xirta xarunta
Madaxtooyada illaa garoonka magaalada Muqdisho halkaas oo ay
ka dhoofayeen wafdi uu hogaaminayey Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf Axmed.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |