Madaxda
Isbaheysiga dib u xoreynta oo kulamo kula leh magaalada
Nairobi mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Yurub.
(Nairobi, June 17,
2008 Ceegaag Online)
Guddoomiyeyaasha golaha fulinta iyo kan golaha dhexe ee
isbaheysiga dib u xoreynta Somalia Sheekh Shariif Sheekh
Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kulamo kula
leh magaalada Nairobi ee dalka Kenya mas’uuliyiin kala
socota ururka midowga Yurub oo sida la sheegay markii horeba
ku casuumay halkaasi.
Kulanka
labada dhinac dhexmaraya oo ah mid xasaasi ah oo albaabadu u
xiran yihiin ayaan si rasmi ah loo shaacin wax looga wada
hadlayo, hase ahaatee warar hoose oo laga helayo xubno ka
tirsan isbaheysiga dib u xoreynta ee ku sugan magaalada
Nairobi ayaa sheegay in labada dhinac ay isla faaqidayaan
arimo ku saabsan sidii loo hirgelin lahaa heshiiskii dhowaan
ka dhacay magaalada Jabuuti iyo kaalinta midowga Yurub kaga
aadan hirgelinta heshiiskaas
Sidoo kale,
wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta isbaheysiga dib u
xoreynta Somalia ee ku sugan magaalada Nairibo ayaa kulan
ballaaran la yeeshay qaar ka mid ah culumaa’udiinka waaweyn
ee dalka Kenya, waxayna culumaa’udiinku sheegeen iney garab
taagan yihiin halganka ay isbaheysiga dib ugu xoreynta ugu
jiraan sidii dalka Somalia looga saari lahaa ciidamada
Itoobiya umadda Soomaaliyeedna uga tashan laheyd
aayaheeda, waxaana kulankaasi looga dooday qaabka nabad
loogu soo dabaali lahaa Somalia.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |