Madaxwaynayaasha Djibouti iyo Somaliya oo wada hadalo ku leh
Magaalada Jabuuti.
(Jabuuti, June 16,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa
maanta lafilayaa in ay yeeshaan kulan Madaxweynayaasha
Soomaaliya iyo Jabuuti ,markii uu shalay halkaasi gaaray
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi
Yuusuf Axmed.
Kulankan
Labada Madaxweyne wuxuu yahay mid looga hadlayo wax yaabo
badan oo ka dhex jira Labada wadan iyo Sidii wax looga qaban
lahaa xiriir Siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti ,waxaana
Shirkaasi uu ka dhacayaa Guriga Madaxtooyada ee dalka
Jamhuuriyada Jabuuti.
Warar ku dhow dhow Kulanka Labada Madaxweyne ayaa sheegaya
in kulankaasi lugu soo qaadayo waxyaabo ay ka mid yihiin
Siyaasada Bariga Africa ee Labada Madaxweyne ,Xaaladaha
Soomaaliya ,Madmadow ku dhex jirey Madaxweynayaasha iyo
Dagaalka Eritrea kusoo qaaday Dalka Jabuuti.
Warbaahinta dalka Jabuuti ayaa siweyn isha ugu heysa wada
hadalaasi ,waxaana jira warar sheegaya in ay Labada
Madaxweyne sidoo kale isla soo qaadayaan dagaalkii koobnaa
ee dhawaan lagu soo qaaday dawladda Jabuuti ,ayna soo
qaadeen ciidamada Xukuumada Asmara ,taasna waxa ay ka
qaadanayaan go'aan mideysan.
Saraakiisha la socota Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid
ah Wasiirkiisa arimaha dibada iyo Taliyaha Nabadsugida
Qaranka ,waxaana ayna Caawa la kulmayaan Saraakiisha amaanka
ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo ay kala tashanayaan xaalada
amaanka ee Soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |