Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi
Yuusuf oo gaaray Dalka Jabuuti.
(Jabuuti, June 01,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf
Axmed ayaa goor dhow ka degay garoonka diyaaraddaha
Magaalada Jabuuti. Ee Jamhiiriyada Djibouti.
Madaxweynaha
iyo wafdigiisa ayaa waxaa si heer caalami ah ugu soo
dhaweeyay Madaarka magaalada Jabuuti masuuliyiin ka tirsan
Xukuumadda Jabuuti, xubno ka tirsan Dowladda KMG oo ku
sugnaa Magaalada Jabuuti.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C//laahi
Yuusuf ayaa magaalada Jabuuti kuga qaybgalaya Shirka Golaha
Amaanka ee lagu qabandoono magaalada Jabuuti, isagoo si gaar
ah ula kulmi doona Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada
Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ahmadu Ould Abdallah
halkaasi oo ay iskula soo qaadi doonaan waxyaabihii ugu
danbeeyay ee arrimaha Soomaaliya iyo shirka dib u
heshiisiinta ee ay Marti galisay Dowladda Jabuuti.
Wajiga Kulanka Labaad ee maanta uga furmay Dowladda
Federaalka Soomaaliya iyo isbaheysiga Asmara Magaalada
Jabuuti ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan natiijo wax ku
ool ah oo Umma Soomaaliyeed na ay si aad ha ugu Hanweyn
yihiin waxa kasoo baxa si looga baxo dhibaatada iyo kala
danbeyn la’aanta ka jirta Dalka Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |