Madaxweynaha
Kenya Mwai Kibaki ayaa ku eedeeyey beesha caalamka in ay ka
gaabiyeen wax ka qabashada xaaladaha ka jira dalka Somalia.
(Nairobi, June 14,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha
dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa ku eedeeyey beesha caalamka in
ay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaalaha murugsan ee ka jira
dalka Soomaaliya oo xiligaan u muuqda kuwa ka sii daraya.
Hadalkan ayuu Mr. Kibaki ka jeediyey garoonka diyaaradaha
magaalada Nairobi oo uu ka duulayey isagoo ku wajahnaa
magaalada Addis-Ababa oo uu ka furmay shirka wadamada ku
bahoobay ururka IGAD.
Wuxuu sheegay in beesha caalamku ay iska indha tireen
xaaladaha murugsan ee ka jira Soomaaliya, waxaana uu ururka
midowga Afrika iyo beesha caalamka si isku mid ah ay indhaha
uga qarsadeen dhibta ka aloosan dalka Soomaaliya.
Mr Kibaki ayaa sheegay in loo baahan yahay in lacaawiyo
shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan nabad iyo kala dambeyn
islamarkaana uga baxaan dhibaatooyinka ay mudada badan ku
soo jireen.
Madaxweynaya Kenya Mwai Kibaki ayaa hadalkan waxaa uu
warbaahinta ku siiyey garoonka Jommo Kenyata ee magaalada
Nairobi
oo uu xiligaas ka duulayey isagoo ku sii jeeda magaalada
Addis-ababa ee xarunta dalka Ethiopia.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |