shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Yuusuf iyo wefdi uu horkacayo oo saaka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, June 18,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweyanaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Jabuuti oo uu maalmahaan ka sugnaa, waxaana ka socdaalka Jabuuti ka hor uu gaaray magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia halkaas oo uu kaga qeyb galay shirkii ururka wadamada ku bahoobay IGAD.

Socdaaka madaxweyne Yuusuf ayaa ahaa mid aan la sii shaacin, waxaana garoonka ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomalaiya iyo saraakiisha ciidamada AMISOM, iyadoo amaankiisa si weyn loo adkeeyey.

Ciidamada AMISOM ayaa madaxweynaha u kexeeyey xarunta Villa Soomaaliya, iyadoo amaankiisa si weyn loo ilaalinayo, waxaana la xiray waddooyinka ku dhaw KM4 illaa xarunta madaxtooyada.

Madaxweyne Yuusuf ayaa maalmo ku sugnaa dalka Jabuti halkaas oo u wada hadalo kula qaata madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaiil Cumat Geellle, waxaana wareysi uu shalay siiyey laanta afsoomaliga idaaacdda BBC-da uu ku sheegay in dowladiisu soo dhaweyneyso heshiiskii lagu gaaray dalka Jabuuti.

Ma jirin wax iska horimaad ah ama madaafiic ah oo lagu garaacay garoonka Muqdisho markii uu ka soo dagayey garoonka diyaaradaha Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Si kastaba ha ahaatee socdaalka uu madaxweyne Yuusuf ku yimid magaalada Muqdisho ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo inka badan 12-saacadood ay dagaallo xiriir ah ka dhacayeen magaalada Muqdisho islamarkaana duqeyn loo geystay xaafado ay dad rayid ah deganaayeen ay sababtay dhimashada dad ka badan 15 qof.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com