Madaxweyne
Yuusuf oo ka qeyb galaya Shir Sanadeedka Madaxda Qaarada
Africa oo Maalinta Bari ah ka furmidoona Dalka Masar.
(Nairobi, June 29,
2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha
Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed
iyo wafdi uu horkacayo ayaa ka qeyb galaya shirka madaxeedka
qaaradda Afrika ee ka furmaya dalka Masar halkaas oo ay ku
sii qulqulayaan madaxda dalalka qaaradda Afrika.
Madax kala duwan oo ka socda qaaradda Afrika ayaa iminka u
socdaalaya dalka Masar halkaas oo uu ka furmayo shir
sanadeedka dalalka ku yaala qaarada Africa.
Madaxweyne
Yuusuf ayaa iminka ku sugan magaalada Nairobi kadib markii
uu shalay ka dhoofay garoonka magaalada Muqdisho si uu uga
qeyb galo shir madaxeedka dalalka qaaradda Afrika.
Shirka oo
looga hadli doono xaaladaha qaaradda Afrika oo ay qeyb ka
tahay xaaladda Soomaaliya ayaa la filayaa in Madaxweynaha
Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed uu qudbad uu kaga
hadlayo xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya halkaas ka
jeediyo.
Wasiirka
Arrimaha dibadda dalka Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo oo
ka sii horeeyey madaxweyne Yuusuf ayaa la filayaa inay ku
soo dhaweeyaan garoonka madaxweynaha.
Shir
Sanadeedka Qaaradda Africa ayaa waxaa horyaala qodobo badan
oo taabanaya xasaraadaha ka jira dalalka qaaradda
Africa,
waxaana tan ugu weyn ay tahay xaaladaha ka aloosan dalka
Zimbabwe.
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |