shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Yuusuf oo Qatar ku eedeeyay in ay qeyb ka tahay xaaladaha amaanxumo ee ka jira Somalia.

(Muqdisho, June 19,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku eedeeyey dowladda Qadar in ay qeyb ka tahay xaaladaha amaan xumo ee ka jira dalka Soomaaliya iyadoo adeegsaneysa warbaahinta .

Kadib wareysi uu siiyey madaxweyne Yuusuf ayaa ku sheegay in dowladda Qadar ay dooneyso in ay amaan darro baahsan ka abuurto gudaha Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in dowladda Qadar ay warbaahinta iyo siyaasadda u adeegsaneyso falal amaan darro oo ay ka wado gudaha dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in dalalka carabtu ay dowladda Qadar kula xisaabtami doonaan arrimaha amaan darro ee ay ka wado gudaha Soomaaliya, isagoo sheegay in TV-ga Al Jaziira ay u adeegsaneyso amaan darada ay ka wado Soomaaliya.

"Dowladda Qadar mucaarad bey ku tahay dowladda KMG ah, waxayna la safan tahay mucaaradka dagaalka kula jira" ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo ka hadlayey arrintaas.

Ma jiro waxyaabo cad oo muujinaya eedeynta Madaxweyne Yuusuf oo la xiriirta in dowladda Qadar ay dhinacyada siyaasadda iyo warbaahinta qalqal uga abuureyso dalka Soomaaliya

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com