shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Yuusuf oo saaka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo duulay dalka Jabuuti.

(Muqdisho, June 03,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka aroortii ka soo degay garoonka weyn ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo duulay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti halkaas oo uu kaga soo qeyb galay kulan ay safiirada golaha amaanka la qaateen Dowladdiisa iyo Isbaheysiga Asmara.

Imaatinka Madaxweyne Yuusuf ayaa ahaa mid aan la sii shaacin, hase ahaatee ciidamada dowladda KMG ayaa saaka aroortii xiray isgoyska KM4 illaa garoonka Muqdisho iyagoo xairay isu socodkii dadka iyo gaadiidka dadweynaha.

Afhayeenka madaxweynaha Xuseen Maxamed Xuubsireed ayaa xaqiijiyey imaanshaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, isagoo intaa raaciyey in madaxweynuhu uu iminka ku sugan yahay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Qaraxyo waa weyn ayaa laga maqlay meel ku dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Mqdisho, iyadoo ay jirtay in ciidamada AMISOM ay walxaha qarxa ka saareen inta u dhexeysa garoonka Muqdisho iyo isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Lama oga waxyaabaha soo dadajiyey socdaalka madaxweyanaha waxaase uu imaanayaa xilli la filayey in dhinacyada Dowladda KMG iyo mucaaradka isbeheysiga dib u xoreynta ay heshiis ku garaan magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti halkaas oo uu shir lagu dhexdhexaadinayo uga soconayo.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com Muqdisho, Somalia

Axmed Aadan Ibraahim

axmedmadoobe@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com