Madaxweyne
Yuusuf iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta u duulay magaalada
Addis-ababa ee xarunta Dalka Ethiopia
(Muqdisho, June
12,
2008 Ceegaag Online)
Wafdi uu
hogaaminayo Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa saaka ka
duulay garoonka diyaaraha Muqdisho iyagoo u kicitimay
magaalada Addis-ababa oo wafdiga Madaxweyanaha ay kaga qeyb
galayaan shir sanadeedka Ururka IGAD.
Wafdiga
madaxweyanaha oo ka koobnaa Wasiiro iyo xildhibaano ka
tirsan Dowladda ayaa ka qeyb galaya shir sanadeedka Ururka
IGAD oo ka dhacaya Magaalada Addis-ababa oo xarunta Dalka
Itoobiya.
Wafdiga Madaxweyane C/llaahi Yuusuf ayaa ka hor intii aaney
ka duulin garoonka Muqdisho waxaa kooxaha hubeysan ee ka
horjeeda Dowladda ay madaafiic ku weerareen garoonka
inkastoo ay ku dhaceen Madaafiicdaasi xaga badda Madiina iyo
Afisyooni ee ku dhaw Garoonka Aadan Cadde ee magaalada
Muqdisho.
Lama sheegin waxyeelo madaafiicdaas ay geesteen maadaama
hoobiyaashu bilaabmeen markii Wefdiga madaxweynaha
diyaaradii qaaday ay cagaha dhulka ka qaaday.
Kooxaha dowladda ka horjeeda ayaa badanaa madaafiic ku
duqeeya garoonka Muqdisho marka ay mas'uuliyiinta sarsare ee
dowladda duulayaan ama soo dagayaan, iyadoo dabayaaqadii
bishii ina dhaaftay ay aheyd markii sidaan oo kale madaafiic
lagu duqeeyey garoonka oo uu ka duulay madaxweyne Yuusuf
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |