Markab Dagaal oo
uu Leeyahay Mareykanka ayaa badbaadiyay Tahriibayaal isugu
jira Soomali iyo Ethiopian.
(Bahrain, June 10,
2008 Ceegaag Online)
Markab
dagaal oo ay leedahay dowladda mareykanka ayaa badbaadiyey
tahriibayaal isugu jira Soomaali iyo Ethiopian kuwaas oo
doonidii ay saarnaayeen ay cilad ku qabsatay biyaha badda ee
u dhexeeya dalalka Yemen iyo Soomaaliya.
War ay
saraakiil ka tirsan ciidamada mareykanka ka soo saareen
saldhigga ay ku leeyihiin dalka Baxreyn ayey ku sheegeen in
mid kamid ah maraakiibtooda dagaal oo la yiraahdo USS Russel
uu badbaadiyey 70 qof oo tahriibayaal ah.
Tahriibayaashii saarnaa doonta ayaa caawinaad ka dalbaday
markabka, iyadoo ciidamadii saarnaa markabka dagaal ay
markiiba u soo gurmadeen tahriibayaashii saarnaa doonida oo
ay badbaadiyeen.
Wararka
ayaa sheegaya in qaar kamid ah dadkii saarnaa doonta ay ku
dhex geeriyoodeen doonta ka hor intii aaney ciidamada
mareykanku badbaadinin.
Dadka la
badbaadiyey ee saarnaa doonida tahriibka ah ayaa qaarkood la
sheegay in ay iminka ku sugan yihiin caafimaad darro soo
wajahday kadib markii ay muddo ku jireen badda.
Dadka
Tahriibka ee ku qulqulaya dalka Yemen ayaa sii kordhaya
iyadoo iminka dalka Yemen ay ku sugan yihiin qaxooti fara
badan oo dalkoodii isaga cararay kadib markii ay ku baaheen
dagaalada iyo colaada aan dhamaadka laheyn
Xafiiska Wararka
Ceegaag.com Muqdisho, Somalia
Axmed Aadan Ibraahim
axmedmadoobe@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |