shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Masuuliyin Xilalkii ay hayeen laga xayuubiyay iyo kuwo kale oo la magaacabay.

(Jig-Jiga, June 28,  2008 Ceegaag Online)

Madaxwaynaha Ismaamulka Deegaanka Soomaalida Mudane Cabdulaahi Xasan ayaa xilkii ka qaaday Wasiirkii PCDP da Cabdirashiid Sheikh Cali,  Cabdirashiid ayaa shirkii shaqaalaha heer deegaan looga soo jeediyay inuu xidhiidh la leeyahay ururka Al-Itixaad taageerana uu u yahay.

Sidoo kale Madaxweyne C/llaahi Hassan ayaa magacaabay Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi gudoomiyaha xisbiga talada haya Hogaanka Xafiiska Kobcinta awooda oo hore uu hogaan uga ahaa Madaxwayne ku xigeenka Ismaamulka deegaanka mudane Jaamac Axmed Jaamac oo isaga lagu eedeeyay in uusan si habsami leh uga soo bixin shaqadii loo igmaday.

Waxaa kale oo lafilayaa Xoghaya Xisbiga Dimuquraadiga shacbiga soomaalida waa xisbigan talada hayee mudane Axmed Carab in loo magacaabo hogaanka Maaliyada iyo Horumarinta dhaqaalaha, Waxaa dhawaan bilawgii shirkii shaqaalaha deegaanka la xidhay wasiirkii maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha Bashiir Cabdulaahi oo isaga lagu eedeeyay inuu hanti aad u farabadan lunsaday iyo inuu taageero siiyay baxsigii xubin ka tirsanaa Jabhada ONLF oo la odhan jiray Xaliye, kuna taageeray lacag kaas oo ka soo jeeday qoyska wasiirka.

Waxaa sidoo kale xafiiska xisbigu ay wadaan dadaalo ay ku shaqaalaynayaan dhamaan Ardayda wadanka gudihiisa ka soo baxday ee haysata shahaadooyinka degree ga iyo diploma iyagoo ku magacaabaya boosaskii shaqaalaha tirada badan uu ka eryay barnaamijkii dib u habaynta shaqaalaha heer deegaanka.

Waxaa lagu xigsiindoonaa shaqaalaynta Ardayda ka soobaxday wadanka dibadiisa, waxaana lafilayaa in natiijada meelaynta shaqaalahan iyo shaqo ka qaadista dadyowgii lagu eedeeyay kartidarada iyo arimaha nabadgalyada shirkii shalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Jig-Jiga in la soo saaro todobaadan fooda inagu soo haya.

www.ceegaag.com

 

  

webmaster@ceegaag.com