shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mawqifka ay ka taagan yihiin Ducaada iyo Culimadu badnaanta fidista Baadilka.

(U.A.E,  June 03,  2008 Ceegaag Online)

Mahad iyo amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka, amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah iyo Ahalkiisa iyo Asxaabtiisa iyo mid kasta oo maray Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisa ilaa iyo Maalinta Qiyaamaha

Intaas ka dib:

Waxaynu dhamaan ka wada dhergsanahay sida xawliga leh ee uu u fido Baadilku had iyo jeer iyo gaabinta fidista Xaqqa, iyo inay Dadku u Dhega nugul yihiin Baaqyada Baadilka ah in yar oo Allaah u naxariistay maaha ee, oo ay dhacdo in kuwa badan oo jeclaan lahaa inay Xaqqa raacaan uu uga dheerayo Baadilku oo ka horjoogsado, iyadoo kuwa fidiya Baadilka ee uu Shaydaanku ku adeeganaayaa ugu sheegaan Dadka in Baadilku yahay Xaqq, Xaqquna yahay Baadil, taas ayaa waxay Niyad jab ku ridaa Dad badan oo Dacwada ku hawlan, si kasta ha ahaatee ku dheeraan maayo Hordhacan oo inshaa Allaah uma baahanayno ee bal si aynu u fahamno Mowduucan ayaan waxaan doortay in aan soo qaadano Su’aal Arintan laga waydiiyay Iimaam CabdulCasiis Ibin Baas Allaah ha u naxariistee, waxayna u dhacday sidan:

Su’aal: Shiikhayagiiyow hanuuninta Dadku waa Midho ka dhasha ku fidinta Cilmiga Sharciga ah Dadka dhexdooda, laakiin se waxaa muuqata in Baadilku kaga fidis badan yahay xaga Saxaafada iyo dhamaan Adeegsiyada Warbaahinta iyo Manhajyada Waxbarashada, markaa waa maxay Mawqifka ay ka taagan yihiin Ducaada iyo Culimadu taas?

Jawaab: tani waa Dhacdo fidsanayd Waqtiyaasha oo dhan ama Waqtiyaal hore ha ahaato ama kaynu hada ku jirno ee, waana Xikmada uu doonay Allaah subxaanahu siduu yidhi tacaalaa: {وَمَا أَكْثَرُ النَّاسِ وَلَوْ حَرَصْتَ بِمُؤْمِنِينَ }  {ma aha Dadka badankiisu kuwa rumaynaaya xataa hadaad si kasta ugu dedaasho taas, waayo Garashadooda iyo Ujeedooyinkooda ayaa ah Faasid mana anfacaayo Dedaalka kuwa u naseexaynayaa iyaga yaanayba jirin wax ka horjoogaa ee} iyo Hadalkiisa subxaanahu:

وَإِن تُطِعْ أَكْثَرَ مَن فِي الأَرْضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ اللّهِ  }} {wuxuu ku yidhi Allaah tacaalaa Nebigiisa Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam isaga oo uga digaaya in uu adeeco Dadka badankiisa, hadaad adeecdo intooda badan Cida Dhulka korkiisa ku sugan way kaa luminayaan Jidka Allaah, in kasta oo uu hadalkanu ku socday Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam, hadana waa mid ku socda Ummadiisana} laakiin taas waa lagu kala gedisan yahay, waxa jira Dhul ay ku badan tahay iyo Dhul ay ku yartahay, Qabiilo ay ku badan tahay iyo Qabiilo ay ku yar tahay, xaga se Aduunka oo dhan Khalqiga intiisa badani wuxuu ku sugan yahay Hanuun la’aan, laakiin se taas way ku kala gedisan yihiin Dowladaha qaarkood iyo Wadamada qaarkood iyo Tuulooyinka qaarkood iyo Qabiilooyinka qaarkood

Waxaana ku Waajib ah Ahalka Cilmiga in ay firfircoonaadaan oo aanay ka firfircoonaan Ahalka Baadilku iyaga, bal waxaa Waajib ah inay ka firfircoonaadaan Ahalka Baadilka xaga muujinta Xaqqa iyo Dacwadiisa ama ugu yeedhitaankiisa isaga Meel kasta oo ay joogaan, ha ahaato Dariiqa ama Gaadhiga gudihiisa ama Diyaarada ama Guriga ama Meel kasta waxaa la gudboon inay ku inkiraan Xumaanta sida ugu wanaagsan, oo ay u baraan hadba sidii ugu wanaagsan, yacni Asluub wanaagsan iyo Tudhis iyo Debecsanaan, wuxuu yidhi Allaah casaa wajalaa:

ادْعُ إِلِى سَبِيلِ رَبِّكَ بِالْحِكْمَةِ وَالْمَوْعِظَةِ الْحَسَنَةِ وَجَادِلْهُم بِالَّتِي هِيَ أَحْسَن }} {ha noqdo Maxamedow sala Allaahu calayhi wasalam ugu yeedhitaankaaga Khalqiga Muslim iyo Gaalba ilaa iyo Jidka Rabigaaga ee toosan ee ah Cilmiga Nafciga leh iyo Camalka wanaagsani mid ku salaysan Xikmad iyo Wacdi wanaagsan oo ah Tudhis iyo Debecsanaan, yacni Qof kasta sida uu Xaalkiisu yahay iyo fahamkiisu iyo Aqbalaadiisa iyo u Hogaansanaantiisa, waxaa Xikmada Dacwada ka mid ah in kan wax u yeedhayaa uu yahay mid Cilmi u leh wuxuu ku yeedhaayo oo aan ka Jaahil ahayn, iyo inaad ku bilowdo waxa ugu muhiimsan iyo Muhiimka ah oo ugu dhow Dihniga iyo Fahamka iyo ay Aqbaladiisu dhamaystirmayso, adoo ugu kacaaya si Tudhis iyo Debecsanaan ah, kulana Doodtanto hadba sidii ugu wanaagsan ee ugu dhow inaad ujeedada Dacwadaada ku gaadho, adigoo Ujeedadaada Dhabta ahi tahay inaad Khalqiga ku hanuuniso Jidka Rabigooda}

Wuxuu kaloo yidhi Subxaanahu: {فَبِمَا رَحْمَةٍ مِّنَ اللّهِ لِنتَ لَهُمْ وَلَوْ كُنتَ فَظّاً غَلِيظَ الْقَلْبِ لاَنفَضُّواْ مِنْ حَوْلِكَ } {Raxmada Allaah darteed  adiga Maxamedow sala Allaahu calayhi wasalam iyo Asxaabtaada ayaa Allaah wuxuu kugu manaystay inaad u debecsanaato oo aad u naxariisato oo u wanaajiso Akhlaaqdaada, sidaas ayay ugu soo urureen Hareerahaaga, hadaad se ahaan lahayd mid Akhlaaq xun oo qalafsan oo Qalbi adag way ka yaaci lahaayeen Hareerahaaga}

Wuxuuna yidhi Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam: (أن الرفق لا يكون في شيء إلا زانه ولا ينزع من شيء إلا شانه) (ma ahaato Tudhista iyo Debecsanaantu Shay uun min ay wanaajiso oo qurxiso maaha ee, lagamana qaado Shay uun in ay xumayso maaha ee, macnuhu waxaa weeye Tudhista iyo Debecsanaantu waxay Shayga u kordhisaa Wanaag iyo Qurux, la’aanteeduna waxay u kordhisaa Xumaan ), markaa uma banana Ahalka Cilmigu inay ka aamusaan oo uga tagaan Hadalka Faajirka, Mubtadaca iyo Jaahilka, waayo taasu waa Qalad aad u wayn iyo Sababaha keenay inuu fido Sharku iyo Bidcadu iyo inuu qarsoomo Khayrku iyo yaraantiisa iyo inuu qarsoomo Sunnuhu

Markaa waxaa ku Waajib ah Ahalka Cilmiga inay ka hadlaan Xaqqa oo ugu yeedhaan Dadka, iyo inay inkiraan Baadilka oo uga digaan Dadka, waxaana Waajib in ay taasu ku salaysnaato oo uu ahaado Qofku mid Cilmi iyo Garasho Yaqiin ah u leh wuxuu Dadka ugu yeedhaayo siduu yidhi Allaah casaa wajalaa: {قُلْ هَـذِهِ سَبِيلِي أَدْعُو إِلَى اللّهِ عَلَى بَصِيرَةٍ} {waxaad ku tidhaahda Maxamedow sala Allaahu calayhi wasalam Dadka kanu waa Jidkaygii ee aan ugu yeedhaayo Dadka, waana Jidka ku gaadhsiinaaya Allaah iyo Daartiisa karaamada leh, ee ah Cilmiga Xaqqa ah iyo ku Camal falkiisa iyo badhxid la’aant Diinta Allaah kelidiis oo aan lahayn wax Shiriik ah, waxaana Khalqiga iyo Adoomaha ugu yeedhayaa Allaah xagiisa oo aan ku boorinayaa inay gaadhaan Rabigooda waana jeclaysiinayaa taas, waana uga digayaa wixii iyaga ka fogaynaaya Rabigooda, iyada oo ay sidaas tahay anigu waxaan Garasho u leeyahay Diintayda Cilmi Yaqiin ah oo aan wax shaki ahi ku jirin}

Waa sidaas ka dib marka lagu dedaalo Barashada Cilmig iyo Sababaha aad ku helaysid oo ah ka barashada Dadka Ahalka u ah Cilmiga iyo in la waydiiyo iyaga wixii la garan waayo ee kugu adkaada iyo in la yimaado Xalqadaha Cilmiga ah, iyo badsashada aqriyista Quraanka kariimka ah iyo fahmidiisa iyo raajicinta Xadiithyada saxeexa ah, ilaa aad ka faa’iido oo u fidiso Cilmiga sidaad uga qaadatay Ahalkiisa Daliil ahaan, adiga oo taa u samaynaaya si badhax la’aan ah iyo Niyad wanaagsan iyo Tawaaduc, waxaana Waajib ah in aad ku dedaashid fidinta Cilmiga si xoogaaga  iyo firfircoonidaada oo dhan ah, waana in aanay noqon Ahalka Baadilku kuwa kaaga firfircoon Baadilkooda, waana inaad ku dedaashaa wixii anfacaaya Muslimiinta Diintooda iyo Dunidoodaba

Taasina waa mid Waajib ku ah Culimada ama Odayaal ha ahaadeen ama Dhalinyaro ee, Meel kasta oo ay ahaadaan waa inay ku fidiyaan Xaqqa Daliilada Sharciga ah oo ay jeclaysiiyaan Dadka isaga, oo ay ka eryaan Baadilka oo uga digaan isaga iyagoo ku Camal falaaya Hadalka Allaah casaa wajalaa: {وَتَعَاوَنُواْ عَلَى الْبرِّ وَالتَّقْوَى} {waxaad isku gargaartaan qaarkiinba qaarka kale Samafalka oo ah Magac kulminaaya wax kasta oo uu Allaah tacaalaa jecel yahay oo uu ka raali yahay ee ah Camalada muuqda iyo kuwa qarsoonba ee ah Xuquuqda Allaah iyo Xuquuqda Bini Aadamkaba, waxaad kaloo isku gargaartaan Taqwada oo ah Magac kulminaayaan ka tegista wax kasta oo uu karhaayo Allaah casaa wajalaa iyo Rasuulkiisu sala Allaahu calayhi wasalam ee ah Camalada muuqda iyo ku qarsoonba iyo samaynta wax kasta oo ka mid ah Waxyaabaha Khayrka ah ee laysku amray samaynteeda iyo ka tegista wax kasta oo ka mid ah Waxyaabaha Sharka ah ee laysku amray ka tegisteeda, Adoonkuna wuxuu ku amran yahay inuu isagu Naftiisu samayo kuna gargaaro samaynteeda Walaalihiisa Mu’miniinta ah} Iyo Hadalkiisa subxaanahu: {وَالْعَصْرِ إِنَّ الْإِنسَانَ لَفِي خُسْرٍ إِلَّا الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَتَوَاصَوْا بِالْحَقِّ وَتَوَاصَوْا بِالصَّبْر} {Allaah tacaalaa wuxuu ku dhaartay Casriga oo ah Habeenka iyo Maalinta ee ah Waqtiyada ay dhacaan Ficilada Adoomaha iyo Camaladooduba, in uu Insaanku ama Dadka oo dhami ay ku sugan yihiin Khasaaro, marka laga reebo inta ku sifowday Sifooyinkan Afarta ah waana:

 Tan kowaad: kuwa rumayay wixii Allaah ku amray in ay rumayaan, mana noqonayso rumayntu Cilmi la’aan bal waa farac ka mid ah oo aanay dhamaystirmayn la’aantiis

Tan labaad: ee samayay Camalada wanaagsan, tana waxay koobaysaa dhamaan Ficilada Khayrka mid muuqda iyo mid qarsoonba ee ku saabsan Xaqqa Allaah iyo Xaqqa Adoomihiisa ee ah Waajib iyo Mustaxaba

Tan saddexaad: ee isugu dardaarma Xaqqa oo ah Rumaynta iyo Camalada wanaagsan, yacni ay taas isugu dardaarmaan qaarkoodba qaarka kale oo ay isku booriyaan oo is jeclaysiiyaan

Tan afaraad: ee isugu dardaarma ku sabrida Daacada Allaah iyo ka sabrida Macsiyada Allaah iyo Qadarada Allaah ee xanuunka badan, hadaba labada Arimood ee hore Insaanku wuxuu u dhamaynayaa Naftiisa, labada Arimood ee dambena wuxuu u dhamaynayaa qayrkii, isku dhamaana afartaa Arimood ayuu Insaanku kaga nabad gelayaa khasaaraha oo ku guulaysanayaa Guusha wayn }

Sidaas ayay noqonayaan Ahalka Cilmigu Meel kasta oo ay joogaan kuwa ugu yeedhaaya Dadka xaga Allaah subxaanahu watacaalaa, oo ku hanuuniya Khayrka oo u naseexaynaaya Allaah iyo Adoomadiisa si u tudhis ah waxay ku amrayaan isaga iyo waxay ka nahyiyaanba iyo waxay ugu yeedhayaan isaga ilaa ay Najaxdo Dacwadoodu, oo dhamaan lagu guulaysta Cidhibta wanaagsan iyo ka nabad galka Dhagarta Cadawyada, Wallaahu almustacaan, halkaas ayuu ku dhamaaday Hadalkii Shiikhu, wuxuuna ka mid ahaa Su’aalo lagu waydiiyay Jariidada Anadwah Waqti aad u horeeyay.

 

Allaah ha naxriisto Shiikha Raxmada waasic ah, inagana ha inagu anfaco Cilmigiisa, Xaqqana ha inoo tuso inuu Xaqq yahay, hana ina jeclaysiiyo, hana inagu irsiqo raacitaankiisa, Baadilkana ha inoo tuso inuu Baadil yahay, hana ina karahsiiyo, hana inagu irsiqo ka fogaanshihiisa

 

 

Wabillaahi Atowfiiq 

 

Waxaa soo guuriyay oo diyaariyay:

Essa Mohamoud

almutawaadic@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com