shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamed Dheere "Xabad joojintii waxaa jabiyay Isbaheysiga Asmara", Dowladda waa ka fiirsaneysaa sida ay yeeleyso.

(Muqdisho, June 13,  2008 Ceegaag Online)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) ayaa ka hadlay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho wuxuuna ku eedeeyay dagaaladaas inay ka dambeeyan waxaa uu ku sheegay nimankii saxiixay heshiiskii xabad joojinta ee dhawaan lagu gaaray Magaalada Jabuuti.

“Heshiiskii Xabad joojinta dhigayay iyaga ayaa burburiyay, Dowladdana waa ay ka fiirsan doontaa sida ay ka yeelayso”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay inaysan jirin kooxo kala qeybsan metelan isagoo diiday in xubnaha Isbaheysiga labo garab u kala jabeen, wuxuuna sheegay in kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya ay yihiin mid kaliya”waa isku hooyo iyo Aabe”ayuu sii raaciyay Maxamed Dheere hadalkiisa.

Tan iyo markii Magaalada Jabuuti Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ku gaareen heshiiska xabad joojinta ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaalo abaabulan oo dadka qaarkiis ku sheegeen in looga dan lahaa in lagu jabiyo heshiiska xabad joojinta labada dhinaca wada gaareen

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in aan loo dul qaadan Karin inta ka badan kooxaha dagaalka ku soo qaadaya waa sida uu hadalka u dhigay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com