Mid ka mid
ah Musharixiinta Maamulka Puntland ayaa eedeyn kulul u
jeediyay Maamulka Cadde Muuse.
(Jabuuti, June 21,
2008 Ceegaag Online)
Prof. Muxiyadiin Cali
Yuusuf oo ka mid ah musharixiita isu diyaarineeysa xilka
madaxweynenimo ee maamulka Puntland oo shalay shir Jaraa’id
ku qabtay Hotelka Shirton ee Magaalada Jabuuti ayaa waxaa uu
sheegay in Puntland ay mareyso heerkii ugu hooseeyay ee
nabadgalayada,dhaqaalaha iyo nolosha dadka waxaana uu
arintaasi ku sababeeyay in maamulka haatan jiraa uu ku
fashilmay hanaankii dowladanimo.
Prof. Muxiyadiin ayaa intaa
ku daray in dadka Reer Puntland aysan ka maarmin in ay
helaan xiligan maamul cusub oo wax ka bedela xaalada mugdiga
ah ee ay haatan ku sugan yihiin.
Mas’uulkaasi ayaa
sheegay in hadii uu ku guuleeysto madaxtinimada Maamul
Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland uu wax weyn ka badali
doono mudo 6 bilood ama sanad gudeheeda sida Burcad badeeda
iyo tahriibayaasha oo todobaadkiiba ay ku geeriyoodaan dad
ka badan boqolaal qofood.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |