Mid kamid
ah Shaqsiyaadkii hore u fashiliyay Maxkamadaha oo hadana
fashilinaya Isbaheysiga Asmara.
(Muqdisho, June
24,
2008 Ceegaag Online)
Qabqable
Yuusuf Indha-cadde ayaa sheegey in hoggaamiyaha Isbahaysiga
Dib-u-xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed uusan ka
tirsanayn isbahaysiga oo uusan cidna xukumin, Isbahaysiguna
uu mideysan yahay. Indha-cadde oo hore isagu u bixiyey
amarkii lagu weerarey Baydhaba oo khilaafsanayd hoggaanka
sare ee Maxkamadaha ayaa hadana markale ay kooxdiisu
fashilinayaan halgankii Isbahaysiga markii uu ku gacanseyrey
hoggaanka sare ee Isbahaysiga, waxaana uu sheegey in aysan
jirin cid ka saraysa oo uu ka amar qaadanayo.
Yuusuf Indha-Cadde ayaa
sheegey inuusan jirin heshiis uu aqoonsan yahay oo uu galay
Isbahaysiga Asmara, waxaana uu sheegey in 'Qaramada Midoobay
uu u yaqaanno Qaramada Sheydaanka' waxaana uu sheegey inay
dagaalka sii wadayaan.
Yuusuf
Indhacadde oo maliishiyadiisu dib u qabsadeen Gobolka
Shabeellada Hoose, ayaa ka mid ah koox ujeeddo ay leeyihiin
aan la aqoon ayaa sheegey inay dagaalka wadayaan illaa ay
dalka oo dhan qabsanayaan.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |