shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Muwadiin Soomaaliyeed oo lagu dilay Dalka Koonfur Africa‏

(Johannesburg, June 13,  2008 Ceegaag Online)

Muwaadin Soomaali ah ayaa lagu diley, mid kalana waa la dhaawacay kadib markii rag hubeysan oo dhac u geeysanayay dukaan eey joogeen ay tacshiirad huwiyeen, falkan ayaa ka dhacay tuulo ku dhow Magaalada Rusternburg ee gobolka waqooyi bari ee North West dalka Koonfurta Afrika.

Marxuumka la diley ayaa magaciisa lagu sheegey Cabdi haashim Sheikh, halka ninka la dhaawacay lagu magacaabo Cabdinaasir Maxamed Waceys. Burcada ayaa goobta ka qaadatay lacago iyo alaabo kale oo qiimo leh, goobtana ka baxsaday markiiba. Police-ka ayaa wada baaritaano iyo daba gal, waxaana lagu wadaa in maanta lagu aaso marxuumka geeriyooday quubaraha Muslimiinta Ee Magaalada Rustenburg
 
Dhanka Kale. Police-ka Magaalda Rustenburg ayaa qabtay labbo qof oo lagu eedeynayo in eey dileen Marxuumka dhintey Ee Soomaaliga ah , mid kalana dhaawacayn, kuwaas oo shaqaale ka ahaa dukaan weyn oo ku yiiley tuulada Kroondal ee duleedka Rusternburg.
 
Labbada nin ee Soomaalida ah ayaa waxa ay shaqaale ka ahaayeen dukaan weyn oo Supermarked ah kuna yiiley xaafada Kroondal ee tuulada Matebeleng ee duleedka Rustenburg, waxaana dukaanka soo weeraray rag hubeysan goor dukaanka la xireyey, kadibna tacshiirad huwiyey.
 
Sida uu sheegay afhayeen Police-ka u hadlay, Constable Dituo Modiko, qof ayaa Police-ka wacay ka hor inta aysan tuugada baxsan, taasoo sahashay in eey gacanta kusoo dhigaan 2 nin oo falka geystey oo da’dooda lagu sheegey 25 iyo 16 jir, waxaana maxkamad lasoo taagi doonaa maalinta talaadada, iyadoo loo heysto dacwad dil iyo dhac ganacsi ah.
Ninka Soomaaliga ayaa ku dhintey isbitaalka, halkaas oo la geeyey isagoo dhaawac ah.

Si Kastaba ha ahaatee Dowladda South Africa Ayaanan Talaabo Adag Ka qaadin Dadka dilka u geysta hadh iyo goor Qaxootiga ku nool dalka South Africa haba ugu badnaadan Qaxootiga Soomaaliyeed oo hadh iyo jeer tacadiyo kala duwan lagula kaco..
 
W/D Hassan YeeY

Johannesburg, South Africa

yeey18@hotmail.com

  

webmaster@ceegaag.com