Nelson Mandela oo 90 Jirsaday..
iyo Mareykanka oo Magaciisa ka saaray Liiska dadka
Argagixisada.
(London, June 29,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa Shalay
guud ahaan dalka
South Africa
iyo dalka Ingiriiska looga dabaal degay damashaad ku Aadan
Dhalsahada Madaxwenihii ugu horeyeey ee Madoow ee Xukunka Dalka
South
Africa
qabta isla markaana ah geesiga ugu weyn ee dunida maanta ku
nool Nelson Rohilihla Mandela.
Mandela ayaa shalay u dabaaldagey dhalasadiisii 90-aad,
waxaana uu munaasabadan xuskeeda ku qaatay Magaalada London
ee Cariga Ingiriiska, Dadka ka soo qeyb galey xafladdan
waxay isugu jireen dad caan ah iyo marti sharaf kale,
waxaana ka mid ahaa Jilaaga Caanka ah ee Will Smith
Nilson Mandela oo ah nin ay taariikh-du xustay halgankiisii
dheeraa ee kula dirirayey gumeystihii ku dhisnaa midab kala
sooca ee ka talin jiray dalkaasi muddo fog.
Nilson
Mandela halgankaasi dheer uu galay xorriyada iyo sinaanta
waxaa uu ku kasbaday inuu hello abaalmarinta nabada
caalamiga ah ee Nobile Peace Price oo sanadkiiba mar laga
baxiyo dalka Norway.
Dhinaca Kale Dowladda Mareykanka ayaa ka saartey Magaciisa
iyo Magaca Xisbigiisa ANC Liiska Dadka Argagixisada Nelson
Mandela taas oo uu ku kasbaday markii uu si weyn uga hor
yimid Xukuumadii dadka laga tirade badan yahay ee ka talin
jirtay Dalka Koonfur Afrika sanadkii 1960.
Senator John Kerry ayaa saxaafada u sheegay in Mareykanku ku
qaldanaa Go’aankaas hadana ay garawsadeen kadibna ay ka
saareen Liiska Dadka Argagixisada ah Ruug cadaaga Nelson
Mandela iyo waliba Xisbigiisii ANC.
Haddaba
waa kuma Nelson Mandela?
Nelson Rolihlahla Mandela, dadka badankii waxay u yaqaanan
ama ugu dhawaaqaan Magaciisa Nelson Mandela ama aan dhaahee
Mandela Wuxuu ku dhashay Magaalada la yidhaahdo Qunu oo ku
taalla gobolka Eesern Cape 18, July 1918-kii, Aabahii
magaciisa waxaa la odhan jiray Hendry Mphakanyiswa Mandela,
Aabahii Hendry wuxuu ahaa Nabadoonka Qabiilka Mvezo oo dega
magaalo dhereedka ku taalla daanta webiga Mbashe, Rolihlahla
Mandela wuxuu noqday qofkii ugu horeeyey ee ka tirsan qoyska
reer Mandela ee ku biira Dugsi waxbarasho isaga oo
wakhtigaasi da'diisu ahayd 6 Sanno jir, intii uu baranaayey
Dugsiga hoose ayaa waxaa loo bixiyey Magaca Nelson oo ah
Magac Ingiriisi ah oo uu u baxshay Macalinkiisa oo bari
jiray diinta kiristaanka Mad-habta Protestant-ka ee
Methodism-ka, Aabahii Hendry Mandela wuxuu geeriyooday isaga
oo toban sanno Jir ah, dabadeed Mandela wuxuu ku biiray
iskuul kiniisadeed la odhan jiray Wesleyan Mission School oo uu
dhawaa qasriga caanka ah ee la yidhaahdo Palace Regent,
Markay da'diisu ahayd 16 sanno ayuu ku biiray dugsiga Hoyga
leh ee Clarke bury "Clarke bury boarding School" Wuxuuna ka
bartay Kulliyadda dhaqanka reer Galbeedka "Western Culture"
Wuxuuna dugsigaasi ka qaatay shahaado Dhexe oo uu waday
muddo laba sannadood ah "two years junior certificate".
Sido kale markay da'diisu ahayd 19 Jir wuxuu Mandela u
guuray Kuuliyadda Wesleyan "Wesleyan college" oo ku taallay
magaalada Fort Beaufort, kulliyadaasi oo ku caan ahayd inay
bartaan dadka dabaqadda sare ka soo jeeda oo ah Cadaankii
tirada yara balse Maal-qabeenka u badna, wuxuuna
Kulliyadaasi ka qaatay tababaro Feedhka iyo orodka ah,
waxaanu uga sii gudbay Jaamacadda weyn ee Fort, "Fort
University" halkaasi oo uu ka qaatay Shahaado sare oo
cilmiga edabiga ah "Bachelor of Arts" intii uu joogay
Jaamacadda Fort waxay Saaxiib ku noqdeen Oliver Tambo oo
ahaa Saaxiib weyn oo Mandela Maantadani kaga yaalla meel
weyn.
Si kastaba ha ahaatee Sannadkii ugu horeysay ee Jaamacadda
Fort University ayaa wuxuu ka qayb qaatey Nelson Mandela
waxbarasho joojin iyo Mudaharaad uu isagu hogaaminaayey oo
ay ardaydu waagaasi kaga codsanaysay Maamulka jaamacadda
Fort in ey wax ka badasho Siyaasadaheeda iyo nidaamkeeda
Maamul, balse dhamaadkii Sannadkii ugu horeeyey ayaa laga
eryey Jaamacadda Fort Unversity, waxaana Maamulka Jaamacadda
fort ay Nelson Mandela u wareejiyeen Jaamacadda kale South
Africa "the University of South Africa" oo ku taallay
magaalada Johannesburg, wuxuuna Shahaadadiisi sare ee B.A ka
dhamaystay Jaamacadda South Africa (Unisa), Dabadeedna wuxuu
ka bilaabay cilmiga sharciga, jaamacadda sharciga ee Wits
"Wits Law University" oo ku taalla magaalada Johannesburg.
La soco war
Bixinta dambe ….
W/D Hassan
YeeY
Johannesburg,
South Africa
yeey18@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |